​Midowga Yurub oo ka hadlay dhimista mushaharka AMISOM

Image

Wakiilka Midowga Yurub ee Somalia Michele Cervone d’urso, ayaa ka hadlay dhimista mushaharka AMISOM ee 20% hoos loo dhigay, waxaa Ergaygu sheegay in Midowga Afrika ay sanad ka hor ku war geliyeen, in deeqda ay ku bixiyaan ciidada nabad ilaalinta u jooga dalka ay jari doonaan.

“Waan ognahay in Al-shabaab laga adkaaday, waxaan samaynay howlgal, laakiin waxaa jiro howlgallo kale oo lagu dhammaynayo meelaha kale, waana in aan bixinnaan taageeradeenna,” Ayuu yiri Michele.

Wakiilka ayaa sheegay deeq-dhimista in aan loo turjuman in Midowga Yurub uu goostay gabi ahaanba deeqdi uu siin jiray AMISOM.

Waxa uu ka dhawaajiyay in Midowga Yurub uu jeclaan lahaa inuu arko Afrika oo billaabaysa gacan siinta howlgalka AMISOM.

Laakiin madaxa howlgalka AMISOM Fransisco Madeira, ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan dhanka helitaanka illo kale oo deeq-bixiyeyaal ah.

Arrintan ayaa timi xilli dalalka ciidamadoodu joogan Somalia qaar kamid ah warbaahinta u sheegeen inaysan ciidamadoodu helin xuquuqdooda afar bilood.

Midowga Yurub, ayaa lacag badan ku bixiya mushaharka iyo daryeelka kale ee ciidamada Afrikanka ah ee Somalia u jooga inay xasiliyaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM