​Midowga Yurub oo ka hadlay dhimista mushaharka AMISOM

Image

Wakiilka Midowga Yurub ee Somalia Michele Cervone d’urso, ayaa ka hadlay dhimista mushaharka AMISOM ee 20% hoos loo dhigay, waxaa Ergaygu sheegay in Midowga Afrika ay sanad ka hor ku war geliyeen, in deeqda ay ku bixiyaan ciidada nabad ilaalinta u jooga dalka ay jari doonaan.

“Waan ognahay in Al-shabaab laga adkaaday, waxaan samaynay howlgal, laakiin waxaa jiro howlgallo kale oo lagu dhammaynayo meelaha kale, waana in aan bixinnaan taageeradeenna,” Ayuu yiri Michele.

Wakiilka ayaa sheegay deeq-dhimista in aan loo turjuman in Midowga Yurub uu goostay gabi ahaanba deeqdi uu siin jiray AMISOM.

Waxa uu ka dhawaajiyay in Midowga Yurub uu jeclaan lahaa inuu arko Afrika oo billaabaysa gacan siinta howlgalka AMISOM.

Laakiin madaxa howlgalka AMISOM Fransisco Madeira, ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan dhanka helitaanka illo kale oo deeq-bixiyeyaal ah.

Arrintan ayaa timi xilli dalalka ciidamadoodu joogan Somalia qaar kamid ah warbaahinta u sheegeen inaysan ciidamadoodu helin xuquuqdooda afar bilood.

Midowga Yurub, ayaa lacag badan ku bixiya mushaharka iyo daryeelka kale ee ciidamada Afrikanka ah ee Somalia u jooga inay xasiliyaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM