Midowga Yurub oo shaaciyey rajada uu ka qabo shirka ka furmaya Jabuuti

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Nicolas Berlanga, danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, ayaa shaaciyey in ay rajeynayaan in shirka ka furmaya Jabuuti uu bilow fiican u noqdo wadahadalada dowladda iyo Somaliland.

Fariin qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu ku sheegay "in albaabadda rajadda aysan mar kale xirmi doonin".

"Ergada Midowga Yurub waxay rajeyneysaa in kulanku noqdo talaabadii ugu horeysa ee la isku raacsan yahay guul la wada gaaro ee loo maray wada hadal; iyo guusha la sugayey muddo dheer. Albaabka rajadda ee heshiiska mar kale ma xirmi doono," ayuu ku yiri.

EU-da ayaa kamid ah dhinacyadda Beesha Caalamka ee sanadihii lasoo dhaafay sidda xooga leh uga shaqeynayey in ay dib u bilowdaan wada-xaajoodyadda oo hakad ku jiray ku dhowaad lixdii sano ee lasoo dhaafay.

Wadahaladda ugu dambeeyay ee kala kala dhacay; Imaaraadka Carabta, Turkiga iyo Jabuuti ayaysan kasoo bixin natiijo miradhal ah. Balse, lama ogga wuxuu shirka mar kale ka qabsoomaya Jabuuti uu kaga duwanaan doono kuwii hore.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa ku adkeystay in madaxweyne Farmaajo ay ka go'an tahay in wadahaladda Somaliland ay noqdaan "miradhal".

Illaa iyo haatan, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Madaxtooyadda Somaliland, wallow aysan ka jawaabin codsiyo badan oo loo diray.

Dowladda Farmaajo ayaa waxay bilaabeysaa wadahaladda Somaliland xilli mudada xileedka uu gabaabsi ka yahay, arrintaas oo ay su'aal ka keeneen xisbiyadda mucaaraadka oo sheegay in madaxweynaha uu "olole ku jiro".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Safarka madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayaan khilaafaadka siyaasadeed…

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 05:40PM

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM