Miisaaniyadda 2019 oo la ansixiyay markii Isbedel lagu sameeyay Guddiga Maaliyadda

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta cod aqbaliyad leh ku ansixiyay Miisaaniyadda Xukuumadda ee sanadkan 2019-ka.

Kulankii maanta ayaa lagu meel-mariyay Miisaaniyaddan oo ah $340 milyan oo dollar, waxaana codka kalsoonida siiyay dhamaan Xildhibaanadii fadhiga ka qeybgalay oo 174 gaaraya.

Ma jirin cid diiday ama ka aamusay anisixinta Miisaaniyadda, waxaana codka uu ahaa mid gacan taag ah, oo wada ogol kusoo dhamaadey, iyadoo midan ay muujinayso in Villa Somalia ay labadii maalmood ee ugu dambeeyay ay howshan aad uga shaqeysay.

Ansixintan ayaa dhacday kadib markii Isbedel lagu sameeyay Guddiga Maaliyadda ee Gollaha Shacabka, oo laga saarey xubnihii caqabada ku ahaa Miisaaniyadda, ee ka diyaariyay warbixintii qarxisay musuq-maasuq baahsan oo ka jira Wasaaradda Maaliyadda.

Miisaaniyaddan ayaanan lasoo marin akhrin kowaad iyo mid labaad, waxaana lagu meel-mariyay si deg deg ah, iyadoo meel la iska dhigay warbixintii musuq-maasuqa iyo mad-madowga ku jira, maadaama ay maqan tahay lacag dhan $42 milyan oo dano gaar ah loo adeegsaday.

Guddiga Maaliyadda ayaa soo bandhigay in lacagta ka maqan miisaaniyadda ay kamid tahay $20 milyan oo kasoo hartay $50-kii milyan ee Sacuudiga ugu deeqay dowladda Federaalka 2017, taasoo Wasiir Beyle horey u balan qaadey inuu kusoo darayao Miisaaniyadda cusub ee 2019, balse laga waayay.

Villa Somalia ayaa lagu eedeeyay in dakhliga dowladda soo gala ay u adeegsato inay ku kala fur-furto caqabadaha dhinac siyaasadda kasoo wajaha, sida khilaafyadda gudaha Hay'adaha qaranka iyo midka maamul goboleedyada.

Doorashadii 19-kii bishan ka dhacday Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in Xukuumadda Federaalka ay ku bixisay in ka badan labo milyan oo dollar, oo ay kusoo saartey Musharaxa ay wadatey Cabdicasiis Lafta Gareen.

Soomaaliya ayaa tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991 safka hore uga jirtay dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, maadaama aysan ka jirin hay'adda dowladeed oo hufnaan ku shaqeeya iyo maamul awood leh oo musuq-maasuqa la dagaalama.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM