Milatariga Soomaaliya oo looga digay faragelinta doorashooyinka maamuladda

Image

DAYNUUNAY - Taliyaha Guutada 60aad ee ciidanka xoogga Soomaaliya, Jenaraal Ibraahim Yarow oo la hadlayay cutubyo ka tirsan milatariga oo dib u-qabsaday tuulada Daynuunay ee duleedka Baydhabo ayaa uga digay ciidamada inay ku milmaan siyaasadda.

Doorashada madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo ay naga xigto kaliya wax ka yar 18 cisho ayaa waxaa ku loolamaya musharaxiin dhowr ah oo ay ku jiraan, Taliyihii hore ee NISA, Wasiirka Tamarta xukuumada hadda jirta, Mukhtaar Roobow, Shariif Xasan iyo xubno kale.

“Ma ahan shaqadeena yaa ku guuleysanaya doorashadda, ee waa inaan la shaqeyno qof kastoo la doorto. Siyaasada iyo doorasho ma ahan inaan ku milano, waa inaan dalka ka xorreyno cadowga,” ayuu yiri Taliye Yarow.

Villa Soomaaliya ayaa la fahansan yahay inay dooneyso in doorashada uu kusoo baxo siyaasi feker ahaan ay iska dhow yihiin, xili haatan ay geysay Baydhabo gaadiid dagaal iyo kuwa aan xabaddu karin, taasoo khal-khal gelisay amniga magaalada.

Taliye Yarow oo sii hadlaya ayaa faray ciidamada inay u dhaqaaqaan dhinaca tuulooyinka kale ee ku dhow Daynuunay, si gacanta ku haynta loogala wareego Al-Shabaab, maadaama ay weeraro kasoo abaabusho.

Amniga, la dagaalanka Al-Shabaab, musuq-maasuq, siyaasad loo dhan yahay iyo arrimo kale oo muhiim ah waa mawduucyada ugu waawayn ee uu musharax walba kusoo galay ololihiisa doorashada Koonfur Galbeed, oo dhicaysa 17-ka November. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM