Milatariga Soomaaliya oo sameeyay howlgal ka dhan ah kooxda AS

Image
Gulufkan ayaa ka dhacay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib iyo dadka deegaanka ayaa howlgal lagu Ciribtirayo Al-Shabaab ka sameeyay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka ay sida wadajirka uga fuliyeen dhulka howdka ah, Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa ahaa mid looga hortegayay Al-Shabaab si aysan dhibaato ugu geysan shacabka ku nool deegaanadaas.

Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib G/dhexe Cabdiraxmaan Salaad Xujaale oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in howlgalka lagu bar-tilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud,islamarkaana ay weli Ciidanku ku raad-joogaan firxadka nabadiidka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM