Milatariga Sudan oo afgambi xukunka uga tuuray Cumar Al-Bashir

Image

KHARTUUM, Sudan – Ciidamada dalka Sudan ayaa ku dhawaaqay in ay afgambiyeen dowladii madaxwayne Cumar Al Bashiir.

Wasiirka difaaca wadankaasi ayaa shaaciyay in sidoo kale xabsi guri uu ku jiro Al Bashiir oo xukunka hayay 30-sano jir.

Milatariga ayaa intaasi ku daray in la sameynayo Gole ku meel gaar oo milatari ah kaasi oo wadanka sii maamulaya.

Xaalada ku meel gaarka ah oo socon doonta muddo laba sano ah ayaa inta lagu guda jiro la qabanayo doorashooyinka.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa intaasi ku daray in lasoo rogay saddex bilood oo xaalad deg deg ah oo uu dalkaasi ku jirayo.

Intaasi waxaa wehlisay in gabi ahaanba la kala diray hay’addii dowlada sida; baarlamaanka labada aqal, iyada oo la joojiyay adeegsiga dastuurka.

Xaalad bandow ah ayaa lagu soo rogay guud ahaan wadanka, taasi oo bilaaban doonta tobbanka galabnimo ee maanta oo Khamiis ah.

Wasiirka ayaa raaciyay in la hakiyay dhamaan dhaqdhaqaaqyadii garoomada diyaaradaha iyo xuduudaha uu dalkaasi la wadaago wadamada deriska la ah.

Arrimahaan oo idil ayaa kusoo aadaya iyada oo dibadbaxyo waawayn ay ka socdeen wadankaasi tan iyo bishii Febraayo, kuwaasi oo looga soo horjeeday hogaanka Al Bashiir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM