Mooshin laga keenay maamulka dhismihiisu ka socdo Jowhar

Image

MUQDISHU- Mudanayaal katirsan Barlamanka Somalia ayaa maanta mooshin ka keenay dhismaha maamulka labada gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe kaasoo shirka lagu dhisayo wajigiisa labaad kasocd magalada Jowhar.

Mooshinkan waxaa ku saxiixan 42 mudane, kuwaasi oo dalbaday in dib loo dhigo shirka maamulka loogu dhisayo labadaasi gobol, iyagoo sheegay inay jiraan cabashooyin ay qabaan waxgaradka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Go'aankan mudanayaasha qaar qaateen, waxaa ku dhawaaqay Xildhibaan Goodax Bare oo kamid ah ragga mooshinka keenay, isagoo ku sababeeyey in loo habanayahay maamul ku midaysan yihiin dadka goboladaas.

"Golaha mudanayaasha shacabka Somaliyeed, wuxuu qaraar ku gaaray in xukuumadda Somalia dib u dhigto dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, inta laga gudbayo qaban qaadabada iyo dhismaha Barlamanka cusub, si shacabka gobolladaas fursada ugu heelaan isu diyaarinta iyo ka qayb gaadashada dhismaha Barlamanka qaran ee Somalia," Ayuu yiri madane Goodax.

Akhriska mooshinkan kadib ayaa gudoonka Barlamanka Somalia, sheegay in dib loo dhigo maadama uusan buuxin kooranka Xildhibaanda, waxaana guddoonka Barlamanka Somalia uu sheegay in dib la isugu soo laabto fadhi kale.

Arrinta ayaa kusoo aaday xilli todobaadkii hore magalada Jowhar ka furmay wajiga labaad shirka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, kaasi oo hakad ku jiray muddo dhan labo bilood, waxaan hareeyay khilaaf iyo saluug beelaha qaybtood muujiyeen.

Dhinaca kale waxaa lagu soo beegay xilli wali aysan tagin magalada Jowhar waxgaradka Hiiraan qaybtood kuwaasi oo diidan sida dowladda Federalka Somalia u maamulayso shirka, waxaana dadaalo horay u sameeyeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'isal wasaare Cumar kusoo dhamaaday guul darro iyadoo mas'uulka dalka Somalia ugu sareeya looga mudaharaaday xarunta gobolkaasi ee Baladweyne.

DFS, ayaa muhiimad weyn ka leh dhismaha maamulka labadan gobol, waxayna doonaysaa inay ka qayb galiso doorashada dhacaysa 2016, iyadoo u aragta inuu door kacayaari doono danah siyaasadeed iyo loollanka doorashada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 12:52PM

Uganda oo xaqiijisay geerida toddobo askari oo lagu dilay dagaal ka dhacay Soomaaliya

Taliyaha Qeybta Koowaad, Brig. Gen. Joseph Musoke Ssemwanga, ayaa sheegay in tuulada Sabiid-Anole ay ahayd xarun istiraatiiji ah.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 11:01AM