Mooshin laga keenay maamulka dhismihiisu ka socdo Jowhar

Image

MUQDISHU- Mudanayaal katirsan Barlamanka Somalia ayaa maanta mooshin ka keenay dhismaha maamulka labada gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe kaasoo shirka lagu dhisayo wajigiisa labaad kasocd magalada Jowhar.

Mooshinkan waxaa ku saxiixan 42 mudane, kuwaasi oo dalbaday in dib loo dhigo shirka maamulka loogu dhisayo labadaasi gobol, iyagoo sheegay inay jiraan cabashooyin ay qabaan waxgaradka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Go'aankan mudanayaasha qaar qaateen, waxaa ku dhawaaqay Xildhibaan Goodax Bare oo kamid ah ragga mooshinka keenay, isagoo ku sababeeyey in loo habanayahay maamul ku midaysan yihiin dadka goboladaas.

"Golaha mudanayaasha shacabka Somaliyeed, wuxuu qaraar ku gaaray in xukuumadda Somalia dib u dhigto dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, inta laga gudbayo qaban qaadabada iyo dhismaha Barlamanka cusub, si shacabka gobolladaas fursada ugu heelaan isu diyaarinta iyo ka qayb gaadashada dhismaha Barlamanka qaran ee Somalia," Ayuu yiri madane Goodax.

Akhriska mooshinkan kadib ayaa gudoonka Barlamanka Somalia, sheegay in dib loo dhigo maadama uusan buuxin kooranka Xildhibaanda, waxaana guddoonka Barlamanka Somalia uu sheegay in dib la isugu soo laabto fadhi kale.

Arrinta ayaa kusoo aaday xilli todobaadkii hore magalada Jowhar ka furmay wajiga labaad shirka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, kaasi oo hakad ku jiray muddo dhan labo bilood, waxaan hareeyay khilaaf iyo saluug beelaha qaybtood muujiyeen.

Dhinaca kale waxaa lagu soo beegay xilli wali aysan tagin magalada Jowhar waxgaradka Hiiraan qaybtood kuwaasi oo diidan sida dowladda Federalka Somalia u maamulayso shirka, waxaana dadaalo horay u sameeyeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'isal wasaare Cumar kusoo dhamaaday guul darro iyadoo mas'uulka dalka Somalia ugu sareeya looga mudaharaaday xarunta gobolkaasi ee Baladweyne.

DFS, ayaa muhiimad weyn ka leh dhismaha maamulka labadan gobol, waxayna doonaysaa inay ka qayb galiso doorashada dhacaysa 2016, iyadoo u aragta inuu door kacayaari doono danah siyaasadeed iyo loollanka doorashada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM