Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Image

Muqdisho, July 9 – Guddiyo farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ayaa lagu wadaa inay galinka dambe ee Maanta ku yeeshaan magaalada Muqdisho kulankoodii ugu horreeyay ee fool ka fool ah, iyadoo diiradda lagu saarayo hannaanka kala guurka siyaasadeed iyo doorashooyinka dalka.

Kulanka ayaa ka dhacaya hotel ku yaalla gudaha xayndaabka Garoonka Aadan Cadde, waxaana la sheegay inay goobjoog ka noqonayaan dhexdhexaadiyayaal ka socda dalalka reer Galbeedka ee door muuqda ku leh dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah, kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee guddiyo farsamo oo ay qeyb ka yihiin wakiillo caalami ah ay si rasmi ah isugu yimaadaan, tan iyo markii la isku raacay in la sii ambaqaado wadahadallada u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo la filayo inay soo bandhigaan hindisahooda ku aaddan hannaanka doorashooyinka.

Sida xogta la helayo muujineyso, Golaha Mustaqbalka ayaa soo jeedinaya hannaan ay ku jiraan doorashooyin leh codbixiyeyaal tiro badan, laba guddi doorasho, deegaan-doorashooyin la ballaariyay, iyo in kuraasta lagu saleeyo nidaamka awood-qaybsiga qabiilka ee 4.5, iyadoo beeluhu sii yeelanayaan saamiga kuraasta.

Soo jeedintan ayaa lagu sheegay inay ka duwan tahay qorshaha ay dowladda federaalku ku dooneyso hannaanka doorashooyinka, waxaana la filayaa in kulamadan farsamo ay gogol xaar u noqdaan wadahadallo siyaasadeed oo heer sare ah oo u dhexeeya labada dhinac.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in natiijada kulamadan ay door muhiim ah ka ciyaari karto jihada wadaxaajoodyada siyaasadeed ee Soomaaliya, xilli ay jiraan dadaallo gudaha iyo dibadda ah oo lagu doonayo in la gaaro is-afgarad ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM