Mucaaradka Villa Somalia oo soo dhaweeyay go'aanka dowlad goboleeyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shan Xisbi siyaasadeed, oo fadhigoodu yahay Muqdisho, ayaa maanta soo saarey war-saxaafadeed wadajir ah, oo ay kusoo dhaweeyeen natiijadda Shirkii madaxda dowlad goboleedyada ee shalay lagu soo afjaray Kismaayo.

Xisbiyada oo ay hogaaminayaan qaarkood mas'uuliyiin sare oo isagu jira kuwa hore xilal uga soo qabtey dowladihii hore iyo kuwa hadda kamid ah dowladda Federaal ah ayaa sheegay inay taageersan yihiin war-murtiyeedkii Shirka Kismaayo.

Waxay daboolka ka qaadeen inay la qabaan madaxda dowlad goboleedyada walaaca ay ka qabaan horumar la'aanta dhinacyada amniga, Siyaasadda iyo garsoorka, oo ah arrimo waaweyn oo ay ku fashilintay dowladda haatan jirta.

Xisbiyada waxay sidoo kale soo dhaweeyeen shirka aaya ka talinta ee lagu qaban doono magaalada Garoowe, ee caasimadda Puntland bishii October ee 2018, waxaana ay ku baaqeen madaxda dowladda Federaalka inay saxdo tabashada maamullada.

HOOS KA AKHRI BAYAANKA XISBIYADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Bixinayaa Sawirka Labada Taliye Sirdoon ee Ku Sugan Dalka Itoobiya?

Kulanka labada taliyeyaal ayaa kusoo beegmaya xilli kooxda Al-Shabaab ay maanta…

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 06:39PM

Xasan Sheekh oo la kulmay Abiy Ahmed kahor Shirka Addis Ababa

Shirka waxay dalalka kale usoo direen wafuud aan Madaxweyne ku jirin, oo heerkooda hooseeyo.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 01:21PM