Roobow oo ka dagay Kismaayo [Qorshihiisa]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Mukhtaar Roobow Cali "Abu Mansuur" Afhayeenkii iyo hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al Shabaab ayaa maanta booqasho ku tagey magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbaland.

Roobow oo safarkiisa ku wehliyaan mas'uuliyiin uu kamid yahay Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa ka dagay magaalada Kismaayo, isagoo kasoo duulay magaalada Baydhabo.

Waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay xubno katirsana labada golle ee dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana loo galbiyay wafdiga Roobow Madaxtooyadda Jubbaland, halkaasi oo uu kulan kula leeyahay Axmed Madoobe oo horey uga wada tirsanaayeen Al Shabaab.

Lam shaacin ujeedka socdaalka Mukhtaar Roobow ee magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale aan cadeyn xilka dowladda Federaalka u magacwday ninkan, oo dhawaanahan booqanaya saldhigyo ciidan oo ku yaalla maamul goboleedyada dalka.

Wasiirkii hore ee difaaca Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, ayaan isagana la ogeyn dhaq-dhaqaaqa uu wado iyo safarada uu ku wehlinayo Roobow waxa uu salka ku hayo, balse waxaa wararku ay sheegayaan inay qeyb ka yihiin abaabulka duulaanka dowladda ay doonayso inay ku qaado Al Shabaab.

Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, oo isku heeb yihiin Mukhtaar Roobow wuxuu ka dambeeyay keenistii Roobow magaalada Muqdisho bishii August ee sanadkan, isagoo hadda u jeexayo dhabe uu uga soo biiri karo Siyaasadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM