Mukhtaar Roobow oo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax Madaxweyne
BAYDHABO, Soomaaliya - Ku xigeenkii hore ee hogaamiyaha Al-Shabaab, Mukhtaar Roobow ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Roobow oo garoonka kula wariyaasha ayaa ku dhawaaqey inuu utaagan yahay qabashada xilka Madaxwaynaha ee Koonfur Galbeed, kaasi oo doorashadiisa loo madalsan yahay in la qabto bisha dambe ee November.
“Waxaan u taagan qabashada xilka Madaxwaynaha Koonfur Galbeed. Waxaan doonayaa inaan meesha uu haatan joogo maamulka meel ka sareyso gaarsiiyo,” ayuu yiri Roobow oo saxaafadda usoo bandhigay musharaxnimadiisa.
Mukhtaar Roobow oo sidoo kalena soo noqday Afhayeenka Al Shabaab, ayaa sanadkii hore isku soo dhiibay dowladda Federaalka kadib markii Kooxdii uu mudada dheer kasoo tirsanaa uu kasoo goostay 2013, islamarkaana naftiisa khatar ugu jirtay inay dilaan.
Mareykanka ayaa xilligii uu kamid ahaa Al Shabaab madaxiisa duldhigtay 5 milyan oo Dollar, oo loo balan-qaadey in la siinayo cidii soo sheegta xog u sahlaysa in la dilo ama nolosha lagu soo qabto, isagoo lagu daray liiska Argagaxisada.
Kadib markii uu Muqdisho uga dhawaaqay inuu isaga baxay Al-Shabaab ayaa waxa ay dowladda Mareykanka ka saartey Roobow Liiskii argagaxisada ee uu ugu jiray, iyadoo kadib Villa Soomaaliya uu la galay heshiis hoose aan wali la shaacin.
Murashaxiin dhowr ah ayaa u tarmaya doorashadda Koonfur Galbeed, kuwaasi oo qayb kamid ah ay gadaal ka riixayso Villa Soomaaliya xili la rumeysan yahay in Roobow uu qayb ka yahay kuwaasi, isaga oo dhowaan la kulmey Afhayeenka Aqalka Hoose.
Madaxweynaha hadda waqtiga uu ka dhamaaday Shariif Xasan ayaa sidoo kale kamid ah musharaxiinta, waxaana hogaamiyan saameynta badan leh loo saadaalinayaa inuu kursiga kusoo noqdo, maadaama galaan-gal uu ku leehahay siyaasadda maamulkan.
Amaanka, la dagaalanka Al-Shabaab, musuq-maasuqa, colaadaha ka jira gobolka Shabeellaha Hoose iyo siyaasad loo dhan yahay waxay kamid yihiin caqabadaha ugu waa wayn ee haysta degaanada hoos-yimaada Koonfur Galbeed.
Murashax walba oo la hadlaya goobaha ay ku qabsanayaa olalahooda doorashada ee xarun goboleedka Bay waxa uu sheegayaan inuu wax ka qaban doono arrimahaasi, inkasta oo ay qirayaan inay hortaalo caqabado kala duwan.
Ku dhawaaqista Mukhtaar Roobow ee murashaxnimadiisa doorashada Koonfur Galbeed ayaa culeyska siyaasadeed kusii kordhin karta Shariif Xasan oo sanadihii ugu dambeeyay hayey xilka, inkasta oo aanan laga hordhici karin natiijadda.
Roobow ayaa ku dhashay magaalada Xudur 1969 magaalada Xudur, ee xarunta gobolka Baay, waxaana uu wax kusoo bartay dalka Sudan, oo Jaamacad ku taalla Khartoum uga soo baxay shareecadda Islaamka.
GAROWE ONLINE