Muqdisho: Booliska oo soo bandhigay nin “dilay” hooyadii iyo abtigii

Image
Falkan ayaa la sheegay inuu xalay fiidkii ka dhacay degmadda Dayniile ee caasimada Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyed ayaa soo bandhigay Maxamed Xasan Cali Dhiblaawe oo ku eedeysan in uu caawa fiidkii degmada Dayniile ku dilay Hooyadii dhashay iyo abti hooyadiis la dhashay.

Marxuuminta geeriyootay ayaa lagu kala magacabaa Muraayo Muxumud Siyaad oo 55 sanno jir aheyd iyo Yuusuf Muxumud Siyaad oo jiray 85 sanno, waxaana dilkaan uu u adeegsaday Tooreey.

Taliska Qeybta Guud ee Booliiska gobolka Baanadir ayaa sheegay in la baarayo xaalada cafimaad ee eedeysanaha si sal looga gaaro waxa ku kalifay in uu waalidkiis dilo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM