Muqdisho: Booliska oo soo bandhigay nin “dilay” hooyadii iyo abtigii

Image
Falkan ayaa la sheegay inuu xalay fiidkii ka dhacay degmadda Dayniile ee caasimada Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyed ayaa soo bandhigay Maxamed Xasan Cali Dhiblaawe oo ku eedeysan in uu caawa fiidkii degmada Dayniile ku dilay Hooyadii dhashay iyo abti hooyadiis la dhashay.

Marxuuminta geeriyootay ayaa lagu kala magacabaa Muraayo Muxumud Siyaad oo 55 sanno jir aheyd iyo Yuusuf Muxumud Siyaad oo jiray 85 sanno, waxaana dilkaan uu u adeegsaday Tooreey.

Taliska Qeybta Guud ee Booliiska gobolka Baanadir ayaa sheegay in la baarayo xaalada cafimaad ee eedeysanaha si sal looga gaaro waxa ku kalifay in uu waalidkiis dilo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM