Muqdisho oo looga dabaaldegay xubinimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka

Image
Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo agaasimay munaasabadan oo dadwayne badan loosoo abaabulay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb galay kulan ballaaran oo uu Maamulka Gobolka Banaadir ku taageerayay uguna mahadceliyay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud in Soomaaliya ay xubin ka noqotay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, taas oo ah guul weyn oo u soo hoyatay Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaasha Degmooyinka, Agaasimayaal, howl-wadeennada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kulankan ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Madaxda Qaranka guulaha isdaba jooga ah ee ay ka gaareen siyaasadda arrimaha dibadda iyo gudaha, kuwaas oo horseed u ah in Soomaaliya ay markale cagaheeda si buuxda ugu istaagto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM