Muqdisho oo markii ugu horeysay laga waayey kiisas la xiriira Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 34 kiisas cusub oo ah safmareenka Coronavirus.

Xaaladaha cusub ayaa laga diiwaan-geliyey; Somaliland: 19 iyo Galmudug: 15, taas oo ka dhigan in markii ugu horeysay tan iyo markii caabuqa uu dilaacay Muqdisho laga waayey kiisas la xiriira xanuunkan.

Ma cadda qaabka ay arrintaan ku dhacday. Sidoo kale, lama ogga hadii wasaaradda caafimaadka aysan wax tijaabo ah sameynin saacadihii lasoo dhaafay.

Saraakiisha caafimaadka ayaa tilmaamay in inta badan bukaanada cusub ay yihiin kuwa lagu daartay oo aanan safar dibadda ah gelin.

Wararka ayaa intaas ku daraya in bukaanadda cusub ee degaanada Galmudug ay ku jiraan qaar dhowaan ka tegay Muqdisho.

Warbixinta ayaa tibaaxeysa in shaqsiyaadka cusub ee uu soo ritay xanuunka faafa ay 24 kamid ah yihiin Lab, halka tobbanka kale ay yihiin Dhedig ama haween, sidda loo garan og-yahay.

Tiradda guud ee kiisasha Covid19 ee Soomaaliya ayaa gaartey 2,368, taas oo la macno ah in ay kusii dhow-dahay 2,400 ruux.

Dhanka kale, waxaa afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay u dhintay hal ruux, halka 29 bukaan kale ay ka caafimaadeen cudurka; lama shaacin goobta uu ku geeiryooday marxuumka.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in wadarta bogsashadda ay noqoneyso 470, halka geeriduna ay sii cagacageyneyso 84 marxuum.

Sikastaba ha ahaatee, kororka xaaladaha fayruska dilaaga ah ee gudaha dalka Soomaaliya waa si maalinleh ah loosoo warinayo, taas oo la macno ah in halistu wali taagan tahay, waxaase hooseeya taxadarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda AUSSOM u leedahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 01:05PM

Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay abaabulka kooxo hubeysan oo lagu beegsanayo Lafagareen

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in kulammo gaar ah oo ka dhacay Muqdisho ay qeyb ka yihiin qorshe siyaasadeed.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 05:39AM