Muqdisho: weerarkii ismiidaaminta oo si kulul loo cambaareeyey

Image

October 13, 2014 (GO)- Madaxda Dowlada Federaalka Somalia ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay fiidkii lala eegtay maqaayad ku taalla jidka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey maalinta calanka oo xalay Muqdisho ka dhacday ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid waxashnimo ah islamarkaana cadeyn u ah jabka Al-shabab iyo sida ay uga rajo dhigeen in dib mar kale awoodoodii usoo laba kaclayso.

Xasan Sheekh ayaa docda kale ugu baaqay dadweynaha inay si hagar la'aan ah laamaha ammaanka ula shaqeeyaan si looga hortago falalka ammaanka lidka ku ah, maadaama dadweynaha la'aantood aan waxba la qaban karin.

Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh oo weli booqasho ku jooga Puntland ayaa isna weerarkaas ku tilmaamay mid arxan daro ah oo kooxda Al-shabab kusoo aadisay maalin farxadeed oo ku beegan sanad guuradii 60aad ee kasoo wareegtey markii la sameeyey calanka Somalia.

Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu intaas raaciyey in weerarada caynkan ahi caddayn u yihiin jabka Al-shabab, isagoo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan inay meel ugasoo wada jeestaan cirib tirka iyo sidii dalka looga sifeyn lahaa Al-shabab iyo afkaartooda khaldan.

Qaramada Midoobay wakiilka u jooga Soomaaliya ayaa isna si kulul u cambaareeyey weerarkaas oo sida uu tilmaamay ahaa mid si naxariis darro ah loola bar-tilmaameedsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Danjire Kay wuxuu ammaan iyo bogaadin usoo jeediyey laamaha caafimaadka oo si deg deg ah ugu soo gurmaday dadkii qaraxaas dhibaatadu kasoo gaartay islamarkaana muddo kooban gudeheed ku gaarsiiyey xarumaha caafimaadka.

Qaraxa xalay Muqdisho ka dhacay oo lala beegsaday goob lagu qaxweeyo oo lagu magacaabo Oroma Cafeteria kuna taalla jidka Maka Al-mukarama waxaa ilaa iyo hadda inta la ogyahay ku geeriyoodey 13 qof `ku dhowaad labaatan qof oo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    04-09-2025

  • 01:14PM

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM