Muqdisho: Xubno ka tirsan AS oo Qaraxyo diyaarinayay oo gacanta lagu soo dhigay

Image
Kooxda AS ayaa bishii Ramadaan ka fulisay dalka weeraro kala duwan.

Muqdisho, Soomaaliya - Ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ayaa shalay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho ku soo qab qabtay xubno ka tirsan AS.

Xubnahan ayaa la sheegay in ay qorshaynaayeen in ay doonaayeen in falal amni darro ah ay ka gaystaan magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay hay’dadda.

NISA ayaa shaacisay in xubnahan ay gacanta ku sideen qaraxyo ay doonaayeen inay ku dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed.

Qoraalka ayaa lagu tiri: “Xilliga ay qabanayeen ciidamada labada Dhagar-qabe ayaa waxay gacmaha ku wateen Qaraxyo ay damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah.”

Kooxda AS ayaa bishii Ramadaan ka fulisay dalka weeraro kala duwan, kuwaasoo u badnaa qaraxyo lala beegsaday ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiinta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM