​MUQDISHU: Dad ku dhintay hoobiyaal lagu tuuray nawaaxiga Villa Somalia

Image

MUQDISHO, Somalia- Fah-Faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar Hoobiyaal loo adeegsaday oo Maanta oo Talaado ah ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Madaxtooyada (Villa Somalia).

Tiro Madaafiic ah oo gaaraya 4 ayaa ku dhacay Xaafadda 15-May, oo ku taalla nawaaxiga Villa Somalia, waxaana ka dhashay Khasaarooyin isagu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah.

Mid kamid ah wadayaasha Gaadiidka Gurmadka deg deg ah, ayaa GO u xaqiijiyay in 3 qof oo hal Qoys kasoo jeedo ay ku dhinteen, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 7 Caruur ah kuwaasoo la dhigay mid kamid ah goobaha caafimaadka.

Hoobiyaasha ayaa intooda badan waxay ku dhaceen Xaafaddo ay degan yihiin Dad shacab ah oo ku yaalla agagaarka Madaxtooyada Somalia, mana jirto cid sheegatay mas'uuliyada falkaasi.

Weerarka Madaafiicda ayaa kusoo beegmay xilli Maanta Muqdisho ka furmay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, ee hogaamiyaasha Somalida uga hadlayaan Doorashooyinka soo socdo.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    04-09-2025

  • 01:14PM

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM