​Muqdishu: Madaafiic lagu tuuray Villa Somalia

Image

MUQDISHU- Wararka ka imaanaya magalada Muqdishu xarunta Somalia ayaa sheegaya in madaafiic lala damacsanaa Villa Somalia ku dhaceen xeero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla degmada Wardhiigley gobolka Banaadir. 

Hal qof ayaa dhintay, shan kalena waxaa  lagu soo waramayaa inay qabaan dhaawacyo culus, waxaana loola cararay goobaha caafimaadka Muqdishu. 

Dadka dhibku soo gaaray ayaa dhammaantood lasoo warinayaa inay isku qoys yihiin, waxaana ku jira saddex carruur aad u da'a yar. 

Mashaqadan ilaa hadda kama aysan hadlin saraakiisha ammaanka magalada Xamar, waxaana inta badan caado ah in madaafiicda ay isweydaarsadaan kooxaha nabadiidka ah iyo dowladda Somalia ku waxyeeloobaan shacab aan waxba galabsan. 

Dhinaca kale, majirto cid sheegatay madaafiicda ku dhacday degmada Wardhiigley, balse waxaa looga shaki qabaa ururka Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta xukuumadda Somalia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM