​MUQDISHU: Madaxweynaha oo ka hadlay waddooyinka xiran [Dhagayso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamud oo goordhaweyd warbaahinta shir jaraa'id ugu qabtay magaalada Muqdishu, ayaa faah faahin ka bixiyay waddooyinka xiran iyo asbaabaha ka dambeeyay.

Xasan Sheekh, ayaa sheegay in waddooyinkan u xiranyihiin wufuudda ka qayb galaysa shir madaxeedka IGAD ee todobaadkan furmaya, isagoo intaasi ku daray in amni ahaan tallaabadaasi loo sameeyay.

Wuxuu xusay inay caqab ku tahay shacabka Somaliyeed oo xilligan u diyaar garoobaya Ciidda Carafo, balse ay jirto duruufo saamixi wayay in dadka loo fasaxo jidadka, isagoo intaasi ku daray inay u dulqaataan maadama shirkaasi muhiim u yahay sumcadda iyo hormarka dalka, islamarkaana jiraan dad carqaladayn kara.

Madaxweynaha ayaa bulshada ka codsaday inay la fahmaan culayska haysta isagoo ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka sugaya kuwaasoo sheegay inay isugu jiraan Somalia iyo AMISOM.

Wuxuu hormar ku tilmaamay shirkan iyo kuwo kale oo dalka ka dhici doona, isagoo ku sifeeyay mid beesha caalamku isha ku hayn doonto, wuxuuna mudada uu socdo tilmaamay inuu dhaq-dhaqaaqu yaraan doono.

Xasan Sheekh oo maanta xilku ugu egyahay ayaa sidoo kale xusay in waddanka xaaladiisu caadi tahay islamarkaana socdo shirkii madasha, wuxuuna tilmaamay in dhawaan warmurtiyeed lagasoo saari doono.

Hadalka Madaxweynaha Somalia, ayaa kusoo aadaya xilli maalintii labaad xiranyihiin waddooyinka caasumadda Somalia, taaso culays ku keentay isu socodka dadka iyo gaadiidka kuwaasoo badi aan ushaqo tagin xafiisyadoodii duruufaha haysta awgood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kenya oo cadaadis kala kulmaysa joogitaanka Ciidanka Jubaland ee Mandheera

Kenya ayaa ah saaxiib istiraatiji ah oo Jubaland ah, iyadoo KDF ay u adeegsaneyso sida aag buffer ah oo lagula dagaallamo kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-09-2025

  • 11:28AM

Jubaland: Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ka leexatay ajendeyaasha qaranka

Eedeymahan ayaa imanaya iyadoo uu sii kordhayo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.

  • Soomaliya

    02-09-2025

  • 09:22AM