​Muqdishu: Qarax ka dhacay Hotel Ambasador

Image

MUQDISHU- Weerar xooggan ayaa casar gaabkii lagu qaaday hotelka Ambasador oo ku yaalla magalada Muqdishu caasumadda Soomaaliya, waxana u dhacay qaab ismiidaamin ah iyadoo qaraxa kadib mallayshiyaad hubaysan ugaha u galeen hotelka.

Weerarkaasi, waxaa ka dhashay khaasaaro xooggan sida wararku sheegayaa, iyadoo dhawaqa qaraxaasi laga maqalay guud ahaan magalada Muqdishu.

Mallayshiyaad hubaysan ayaa lagusoo waramayaa inay gudaha u galeen hotelka iyadoo la maqlayo rasaas xooggan oo la tuhunsanyahay inay isweydaarsanayaan mallayshiyada hotelka gashay iyo ciidamada ilaadaha ka ahaa.

Ciidamo xooggan ayaa la keenay goobta qaraxu ka dhacay, waxaana guud ahaan wadada Maka Almukarrama oo hotelku saaranyahay la dhoobay ciidamo tiro badan.

Khasaaraha rasmiga ah ayaa adag in la helo maadaama weerarku goordhaweyd dhacay islamarkaana hotelka lagu dhex dagaallamayo.

Xarakada Al Shabaab ayaa weerarkaasi mas'uuliyaddiisa sheegatay.

Qaraxan, ayaa lagu soo beegay xilli magalada Muqdishu la filayo inuu Jimcaha soo gaaro madaxweynaha dalka Turkiga.

Sannadkii 2011, ayay ahayd markii sidaan oo kale qaraxyo looga fuliyay magalada Muqdishu iyadoo lasugayay inuu yimaado Recep Dayyib Erdogan oo waqtigaas Ra'isal wasaaraha Turkiga ahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM