Muqdishu: Wasiirka Qorsheynta dowlada Federaalka Somaliya Aabihiis oo qarax ka badbaadey

Image

Muqdishu- Qaraxaan oo lagu xirey gaari uu lahaa Yusuf Cali Caynte Aabaha Wasiirka qorsheynta dowlada Federaalka Somalia ayaa ka dhacey agagaarka Hotel weheliye ee magaalada Muqdishu.

Yusuf Cali Caynte oo u horey ahaan jirey xildhibaan ka tirsan dowladii KMG aheyd ee Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa wararku sheegayaan inuusan wax ku noqon qaraxaan.

Xildhibaankaan hore ayaa madax u ah urur Islaami ah oo ka dhisan magaalada Muqdishu kaasoo siyaasadaha dowladaha ka dhisma Somaliya ku lug yeesha. 

Mas'uuliyada qaraxaan ayaa cIdana sheegan iyada oo wararku xusayaan in kooxaha al shabaab la tuhunsan yahay iney ka dambeeyaan isku-deygaan.

Ciidamada amaanka ayaa soo gaarey goobta kuwasoo baaritaano ku sameeyey xaafado ku dhow halka qaraxu ka dhacey.

Caynte ayaa ururka uu madaxda uu ka yahay iyo hay'ada Heritage waxaa ay tageero dhaqaale ka helaan wadanka Qatar.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM