Mursal oo ka digay qorshaha Villa Somalia uga saareyso Roobow Doorashada KG

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, oo ka hadlay doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inay u qabsoonto si xor iyo cadaalad ah.

Mursal oo ka jawaabaya su’aal ku saabsan hadii uu jiro murashax ay dowladdu u dirtsatay doorashadaani ayaa shaaciyay in shaqsi ahaan uusan war ka haynin arrinkaasi, balse haddii ay jirto ay tahay mid aan la aqbali karin.

Gudoomiyaha Aqalka Hoose oo hadalkiisa sii wata ayaa si cad shaaciyy in muwaadinkasta oo Soomaaliyeed oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, uu xaq u leeyahay inuu tartamo, islamarkaana aanu jirin wax ka hor-istaagaya.

Mar si gaar ah wax looga waydiiyay Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur] oo tartamayaasha ku jira ayuu si lamid ah ku nuux-nuux saday inuu tartami karo, isagoo uga digay dowladda Federaalka inay ka hor-istaagto, taasoo keeni karta dhibaato.

“Dowladda ayaa Muqdisho keentay Roobow…Muddo ayuu deganaa xarunta Sirdoonka..Marka ma filayo inay jirto ogaansho la’aan…Isku day kasta oo looga horjoogsanayo doorashada inuu ka qeybgalo waa mid aan dhici karin,” ayuu Mursal yiri xili uu wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga.

Isagoo sii hadlay ayaa Mursal waxuu si dadban usoo hadal-qaaday ciidamo ay maalmihii u dambeeyay dowladdu u daabuleysay Baydhabo, isagoo xusay in aanan loo baahneyn waqtigan in ciidamo la geeyo Koonfur Galbeed, xilliga kala-guurka ah.

“Kahor iyo kadib, markii uu is-casilay Shariif Xasan, dowlad dhisan baa jirtay…Ciidamo ku filan oo amniga doorashada sugi kara baa jooga Baydhabo..Cidii ciidamo dheeraad ah geysay iyada ayaa lagala xisaabtamayaa,” ayuu yiri Gudoomiye Mursal.

Hadalka Mursal ayaa wuxuu kusoo aadayaa xili xasaasiyad wayn ay ka dhalatay ciidamo laga qaadey Muqdisho oo labadii maalmood ee lasoo dhaafey laga dejiyay Baydhabo, iyadoo doorashada Koonfur Galbeed markii afaraad dib loo dhigay, loona mudeeyay mar kale 19-ka bishan December, 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM