Mursal oo ku wajahan Baydhabo kadib kulankii Farmaajo iyo Khayre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed, sida ay GO u xaqiijiyeen dhinacyo kala duwan.

Ujeedka socdaalka Mursal ayaa ku qotoma qaboojinta xiisadda ka dhalatay ciidamada ay dowladda Federaalka ku daad-gureysay magaalada Baydhabo, kadib markii uu Villa Somalia kula kulmay Farmaajo iyo Khayre oo arrimaha ka taagan KG kala hadlay.

Murashaxiin gaaraya Lix ayaa marka laga reebo labo kamid ah oo ay wadato dowladda Federaalka Soomaaliya [Cabdicasiis Lafta-Gareen iyo Xuseen Calool-Kuus], ayaa la filayaa inay ku tartamaan doorashada 19-ka bishan ka dhacaysa Baydhabo.

Doorashadan oo mudo saddex jeer ah dib loo dhigay, ayaa ka dhalatay xiisad xooggan, iyadoo musharixiinta madaxa-banaan ay shaki geliyeen ku kalsoonaanta Guddiga doorashada, waxayna ku baaqeen in la dhiso guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa.

Guddiga Doorashadda ayaa dhinacooda waxay ay wajahayaan cadaadis xoogan oo labo wajihi ah, taasi oo kaga imaaneysa dowlada federaalka iyo murashaxiinta, kuwaasoo dhinac kasta uu rabo in danahiisa loo fuliyo.

Booqashadda Mursal ayaa kusoo aadaysay xili Xukuumadda Soomaaliya ay ka shaqeynayso inuu kusoo baxo doorashada mid kamid ah labada musharax ee ay wadato, xilli shacabka iyo siyaasiyiinta degaanka la sheegay inay taageersan yihiin Roobow.

Kulamadda oo kusoo idlaaday iyadda oo aanan waxba laysla meel-dhigin ayaa arrimaha ay isku afgaran waayeen waxaa kamid ah kala diristii Guddiga Maaliyada Gollaha Shacabka, murashaxnimada Roobow iyo waliba ciidamada la geeyay Baydhabo.

Lama oga in marka uu Baydhabo tago ku guuleysan doono in dib loosoo celiyo in ka badan 100 Askari, oo ay dowladdu u daabushay caasimad goboleedka Bay, maalmihii aynu kasoo gudubnay.

Mursal waxaa ku wehlin doona socdaalkiisa Baydhabo sida ay wararku sheegayaan Xilldhibaan iyo Wasiiro Federaalka ah, oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaasoo xal raadin ah.

Doorashadda Koonfur Galbeed oo qabsatay bogaga hore ee warbaahinta mudooyinkii u dambeeyay ayaa la aaminsan yahay inay Villa Soomaaliya faragelin ku sameynayso, oo hub, dhaqaale iyo ciidan u dirtay Baydhabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM