Mursal oo wali Go’doon ku jira iyo ciidamo la dul-dhigay Hotel-kiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa wali go'doon ku jira Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal, iyadoo xayiraad la saarey dhaq-dhaqaaqiisa iyo kulamadii Xildhibaanada mucaaradka.

Illo ku dhaw Mursal ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in Xukuumadda ay ciidamo cusub dhigtay saddex wado oo gasha Hotel-ka Shabeel oo uu degan yahay Gudoomiyaha, iyadoo loo diiday inay la kulmaan Xildhibaanada Mooshin keenay.

Xildhibaanada ayaa laga hor-istaagay inay kasoo gudbaan Kontoroolada laga soo galo Hotel-ka Shabeel oo ku yaalla wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo Isgoyska KM-4, waxaana wararku ay sheegeen in ciidamada ay barayaan gaadiidka.

Mursal ayaa dhawaan kasoo guurey hoygii uu ka deganaa Villa Somalia, kadib markii xayiraad la saarey, taasoo ku khasabtay inuu u guuro Hotel-ka uu hadda degan yahay, oo shalay uu ku qabtey Shirkiisii jaraa'id ee ugu horeeyay oo uu kaga hadlay xariga Roobow iyo doorashada Koonfur Galbeed.

Khilaafka siyaasadeed ee taagan ayaa saameyn ku yeeshay shaqooyinkii hay'addaha dowladda Federaalka, iyadoo aan jirin wax kulamo ah oo Gollaha Shacabka ka socda, iyadoo Xukuumadda ay mashquul ku tahay mooshinka laga keenay Farmaajo.

Lama oga halka uu ku biyo shuban doono Mooshinka khilaafka dhaliyay, waxayna Xildhibaanada muxaafidka ay ku doodayan inaan la keeni karin Mooshin eedeyn Madaxweyne ah, illaa laga dhiso Maxkamadda Dastuuriga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Ciidamo u dirtay Gedo oo qarka u saaran inuu dagaal ka qarxo

Xiisadda u dhaxeysa ciidamada federaalka iyo kuwa la safan Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe ahayd mid kacsan.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 11:59AM

Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Isbahaysiga Al-Siisi iyo Afwerki [Heshiiskii Ankara oo fashilmay]

Masar ayaa ilaa haatan ciidamo tiradoodu gaareyso 10,000 u dirtay Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 11:56AM