Musharaxiin uu Mukhtaar Roobow ku jiro oo la kulmay Mursal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Mursal ayaa wuxuu xalay oo Arbaco ahayd uu kula kulmay Muqdisho murashaxiin utaagan xilka Madaxwayne ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Wararka uu Warsidaha Garowe Online ka helay kulanka ayaa xaqiijinaya in xubnaha shirkaasi soo xaadiray uu kamid yahay Mukhtaar Roobow [Abuu Munasuur] kaasoo qudhiisa kamid ah dadka uu hamiga kaga jiro xilka ugu sareeya KG.

Ujeedka kulankaan ayaa la fahansan yahay inuu yahay sidii cadaadis loogu saari lahaa Madaxwayne Shariif Xasan inaanu dib dambe ugu soo laaban doorashadda dhaceysa bisha November xafiiska Madaxtooyadda, kaasoo uu hayey sanadihii udambeeyay.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Warsidaha GO in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xusul-duub ugu jirto sidii doorashadda madaxwaynaha Koonfur Galbeed ugu soo bixi lahaa Murashax siyaasad ahaan ay iska dhow-yihiin, kuna feker ah.

Siyaasiyiin dhowr ah ayaa utaagan xilkaan kuwaasoo dowladdu dooneyso inay ku bixiso wax kasta sidii uu doorashadda Koonfur Galbeed oo ka xamaasad badan sanadkaan kuwii hore, waxaana socdo olale iska soo horjeeda oo dhinacyo kala duwan ah.

Shariif Xasan Aadan, Madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa dhankiisa kawada degaanada Koonfur Galbeed olale xoogan, kaasoo uu ku doonayo inuu xafiiska dib ugu soo laabto, waxaana uu kulamo gaar-gaar ah la yeelanayaan hogaanka Beelaha.

Todobaadka dambe ayuu qorshuhu yahay in xarunta maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo ay gaareen tiro Murashaxiin ah, kuwaasoo dowladdu maal-gelineyso si ay culeys siyaasadeed usaaraan Shariif Xasan Aadan.

Gollaha Wasiiradda Koonfur Galbeed ayaa isku raacay inay dhaqan-geliyaan go'aankii kasoo baxay shirka Kismaayo ee Madasha maamuladda xubnaha ka ah dowladda, kaasoo Villa Soomaaliya xiriirka loogu jaray, inkasta oo mucaarad badan uu la kulmay.

Hay'addaha amaanka ee Koonfur Galbeed ayaa la faray sida uu ogaadey Warsidaha GO inay xakameeyaan dhaqdhaqaaqyadda ay degaanada maamulkaan ka sameynayaa xubnaha mucaaradka ku ah Shariif Xasan, kaasoo doonaya inuu mar kale soo laabto.

Roobow ayaa kasoo goostay Al-Shabaab 2013, isagoo kasoo noqday Afhayeen iyo ku xigeenka hogaamiyihii la dilay ee Kooxdan, Axmed Godane, waxaana uu isku soo dhiibay dowladda Federaalka sanadkii tagey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM