Musharixiinta KG oo jeedinaya khudbado xili xiisad ay ka jirto Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Musharixiinta isku soo taagtay doorashada madaxtinimo ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa inay jeediyaan khudbadahooda Axada illaa iyo Isniinta, sida ku cad Jadwalka cusub ee uu Guddigu soo saarey.

Lix musharax ayaa si rasmi ah ugu loolami doonto coddeynta loo loo mudeeyay inay qabsoonto 5-ta bisha December ee sanadkaan 2018, markaasi oo lagu wado in maamulkaan uu yeesho hogaamiye cusub.

Khudbadaha waxay ka horjeedin doonan tartamayaasha mudanayaasha Gollaha Wakiiladda dowlad goboleedkaan, kuwaasi dooran doona xiliga codbixinta murashaxii ay u arkaa inuu wax qabad leeyahay.

Sida laga soo xigtay dadka sida dhow ula socda arrimaha Koonfur Galbeed, musharixiinta ayaa la rajaynayaa inay diirada ku saaraa qodobadooda amniga, siyaasada, dhaqaalaha iyo horumarinta degaanka.

Hadal-jeedinta ayaa waxay kusoo aadeysaa xili uu jiro dareen xasilooni daro iyo cabsi xoogan, taasi oo ka dambeysay markii ay dowladdu ka dejisay Baydhabo diyaarad siday in ka badan 100 ciidan oo Boolis ah.

Ciidamadda oo la sheegay inay sugaan nabad-gelyadda ayaa qaylo-dhaan xoogan kasoo saarey Xilldhibaano heer Federaal iyo dowlad goboleed, iyaga oo ku eedeeyay dowlada inay abuureyso xaalad aan loo baahneen.

Mudanayaasha ayaa ku doodaya in dowladdu isku dayso sidii ay afduuban lahayd doorashadda, iyaga oo ka digay dhibaato ay sameeyaan ciidamada, kuwaasi oo la tilmaamay inay yihiin askar dhowaan tababar loosoo xiray.

Waxaa dhanka kale lagu soo waramayaa inay Baydhabo ka jirto xiisad ka dhalatay ciidamo cusub oo shalay dowladda Federaalka geysay magaalada, iyadoo Xildhibaano katirsan Gollaha Shacabka ay tallaabadan ku tilmaameen mid ay Villa Somalia ku doonayso inay ku afduubto doorashada 5ta December. [Halkan ka akhri warka]

Villa Soomaaliya oo madaxwaynihii is-casilay Shariif Xasan Aadan, ka saxiixatay inay maamusho doorashada ayaa faragelin ku haysa doorashada, taasi oo ay dooneyso inuu kusoo baxo murashax ku feker ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM