Muslimiinta Caalamka oo soo dhaweeyay bisha Ramadaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Muslimiinta ku nool daafaha dunida ayaa isku diyarinaya in ay soo dhaweeyaan bilshada bisha barakeysan ee Ramadan, taasi oo ka bilaabatay Soomaaliya fiidnimadii Axada ah.

Malaayiin Muslimiin ah ayaa bilaabay isla fiidnimada Axada ah Salaada Taraawiixday, taasi oo socon doonta inta lagu guda jiro bilshaan barakeysan.

Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya ayaa Muslimiinta caalamka gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed ugu hambaleeyay bilashada Soonka.

Hogaamiyeyaasha wadamada Islaamka ayaa sidoo kale u rajeeyay Muslimiinta "Ramadan wanaagsan iyo cibaado suuban".

Soonka waa waqti ay Muslimiinta helayaa fursad aad u badan ayna ku hareersan tahay malaa'iigta, albaabada ALLE-na ay furan yihiin, isla markaana naxariistiisa ay tahay mid mar kasta furan.

Balse waxaa ka faa'ideysan doona ruuxii si wanaagsan u guta wajibaadka, isla markaana ilaaliya shuruudaha Soonka oo ay kamid tahay in uu ka fogaado ficilada xun-xun ee uu dhiirogelinayo Shaydaanka.

Muslimiinta aduunka ku dhaqan ayaa waxay ku kala soomi doonaa waqtiyo kala duwan iyadda oo dadka ugu badan ay soomi doonaa in ka badan 20 saacood, inkasta oo Soomaaliya laga soomi doono 12-saac.

Waxaa jira habeen lagu magacaabo Laylatul Qadri [Habeenkii Awooda], waana tobbanka ugu dambeysay, sida lagu sheegay Qur'aanka Kariimka.

"Qof kasta oo u soo kaca habeenkaasi waxa uu si dhab ah u rumeysan yahay balanqaad abaalmarinta iyo rajadda uu ku raadinayo in looga cafiyo dambiyaddiisa," ayuu yiri Nabi Maxamed NNKH.

Sikastaba, 30-maalmood kadib, waxaa imaan doonta maalin loogu magac daray Ramadan Bayram ama Ciidul Fidriga, taasi oo la filayo in Soomaaliya ay ka bilaabato 4-ta June 2019, waana dhamadka Ramadaanka.

MUUQAALKA FARMAAJO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM