Mustafa oo si kulul uga hadlay rabshado ka dhacay Jigjiga

Image

JIGJIGA - Ugu yaraan hal ruux ayuu dhaawac kasoo gaarey kadib markii Rabshado dhex-marey dhalinyaro sidata calanka ONLF iyo kuwa kasoo horjeeda laga soo wariyey xarunta dowlad degaanka Soomaali Galbeed, ee Jigjiga.

Madaxwaynaha maamulka Soomaalida ee ka tirsan dowladda Federaalka Itoobiya, Mustafa Maxamed Cagjar, ayaa cod dheer ku sheegay in aanan loo dulqaadan karin falalka noocaasi ah.
 
"Iyadoo aan iska ilaalinayno inaan ku xad gudubno cidna, haddana ma ogolaan karno Heego inay calamo noo qaadato dalka qasaan. Cidi lagu arko iyadoo wadata calan ururo ayna horey uga tirsanaan jirin waxaa laga qaadayaa talaabo adag. Lama ogola abaabul aan wax fasax ah loo haysan," ayuu yiri Mustafa.
 
Laamaha amniga ayuu farey inay gacan bir ah ay ku qabtaan cid walba oo ka shaqayneysa falal kasoo horjeeda nabad-gelyadda iyo xasiloonidda degaanadda hoos-yimaada maamulka.
 
Shaqsiyaadka abaabulaya rabshadaha soo cusboonaadey ayuu sheegay Madaxwaynaha inaanu ahayn dad Soomaali ah, inkasta oo uusan ku guuleysan inuu shaaciyo magacyadooda.
 
Waalidiinta degaanka ayuu ka codsadey inay caruurtooda kala hadlaan kamid noqoshada Ururo ka jira DDS, kuwaasi oo haatan shaqaynaya rabshado kale oo qabiileysan, sida uu hadalka udhige Mustafa.
 
Ururo kala duwan oo ay ONLF ku jirto, kuwaasi oo uu dhowaan maamulka heshiis horudhac uh ah wadahadalo rasmi ah ayuu tibaaxey Madaxwaynaha inay imaan karaand degaanka, ayna soo dhawayn karaan.
 
"Hay'addaha amniga waxaa la siinayaa awood waafaqsan si sharci ah oo ay gacan adag ugu qabtaan dadka rabshadaha qabiileysan wada," ayuu yiri, Madaxwayne Cagjhar oo saxaafadda la hadley.
 
Shaley oo Talaado ah ayey ahayd markii magaalada Jigjiga ay gaareen xubno ka tirsan ONLF, kuwaasi oo uu hogaaminayey Afhayeenka Jabhadda, Cadaani Hirmooge, kuwaasi oo si heer sare ah loosoo dhaweeyay.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM