Mustafa oo ka hadlay qorshihiisa Isbedelka DDSI [DAAWO]

Image

JIGJIGA - Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar], Madaxwaynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo wareysi siiyay VOA-da ayaa ka hadlay bedalitaanka magaca iyo calanka degaanka, isaga oo tibaaxay inuu yahay go'aan ka yimid shacabka.

"Waxaan dooneynaa inaan sameyno waxay rabaan shacabkeena. Calanka iyo Magaca degaanka waxaa lagu soo celinayaa siduu horey u ahaa. Inaan Soomaali nahay cid uu shaki uga jiro ma lahan, waana ku faaneynaa magaca iyo calankeena," ayuu yiri Mustafa.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Mustafa ayaa dul istaagey qodobada ugu waa wayn ee uu diiradda saari doono mudada uu xafiiska joogo, isaga oo carabka ku dhuftay meelo dhowr ah oo uu aaminsan yahay inay ubaahan yihiin wax ka qabasho.

"Qodobada ugu muhiimsan ee aan wax ka qaban doono waxay tahay; arrimaha bani'aadanimada oo degaanka dhibaato culus ay ka jirto; inaan mideeyo Beelaha Soomaaliyeed, oo dhinac la dul-min jiray iyo inaan xoojino siyaasada loo dhan yahay," ayuu Mustafa.

Arrimaha Bani'aadanimada ayuu tilmaamay in 27-kii sano ee lasoo dhaafay ay ahayd mid lagu tumanayay, Beelaha ayuu sheegay in loo kala eexanayay, wuxuuna balanqaaday Mustafa in maamulkiisa cusub uu wax badan ka qaban doono arrimahan.

"Dadka waxaa loola dhaqmayay sanadihii u dambeeyay sida Xaywaanka, waxaan ka shaqaynaynaa in dadku dhulkooda ugu nooolaadaan si xor ah, oo aysan jirin wax cabsi ah. Beelaha degaanka ma jiri doonto cid lagu xad-gudbo," ayuu yiri Mustafa.

Madaxwaynaha degaanka Soomaalida ayaa wuxuu afka ku balaariyay inuu ka shaqayn doono maamulkiisa sidii loosoo afjari lahaa colaadaha gaamurtay ee dhextaala Soomaalida iyo Oromada, taasoo ay ku naf-waayeen Boqolaal qof oo Rayid ubadan.

"Waan ognahay inay jiri doonan xubnaha nagu khilaafi doona waxaan wadno. Waxaan isku diyaarinaynaa sidaan ula tacaamuli lahayn. Waana ogol nahay in nala dhaliilo, diyaarna waan unahay," ayuu ku nuux-nuux saday Madaxwayne Mustafa.

Cagjar, oo isbuucii lasoo dhaafay loo xushay xilkaan ayaa wuxuu awooda sii hayn doonaa illaa 2020-ka, oo degaanku ka dhici doonto doorasho lagu dooranayo Madaxweyne rasmi ah ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM