Muudey oo dhaliilay Hab-dhaqanka Xilldhibaanada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Gollaha Shacabka Baarlamaaka Federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, ayaa sheegay inay jiraan Xilldhibaano si aan sharci ahayn u galay fasax, iyadoo Golahuhu shaqo hortaalo.

Wuxuu cod dheer ku sheegay ku dhawaad 20 Xilldhibaano oo Gollaha ka tirsan in saaka oo Sabti ah ka dhoofeen Muqdisho, iyagoo aanan wax ogolaansho ah ka haysan Guddoonka Gollaha Shacabka.

“Waxaa nasiib daro ah in, iyadoo Gollaha Shaqo hortaallo ay Xilldhibaano gaaraya 20 ay fasax galaan oo ay Diyaarad ka raacaan Garoonka Muqdisho,” ayuu yiri Muudey oo ka hadlayay Gollaha Shacabka.

Muudey ayaa tilmaamay in kaliya Fasaxa ay ka harsan tahay Labo maalmood ka hor ay doonayan inay qabtaan Shaqada uu sheegay inay hortaalo Gollaha.

“Gudoomiyuhu [Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan] wuxuu yimid saddexdii subaxnimo, waxaana wali Gudoonka go’aan kasoo saarin arrinta Fasaxa, laakiin waxaa socda qorshihii fasaxa loogu dhawaaqi lahaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Xildhibaanada Gollaha Shacabka oo tan iyo markii uu furmay kalfadhiga 3aad aan qaban shaqooyinkii u yaallay, kadib markii uu hareeyay khilaaf siyaasadeed sababay inuu xilka isaga casilo Gudoomiye Jawaari.

Mudaniyaasha ayaa lagu wadaa in 10-ka dambe ee bisha Ramadan ay galaan fasax, iyadoo wixii markaasi ka horeysa looga fadhiyo inay ansixiyaan sharciyo badan oo Xukuumadda usoo gudbisay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM