Muxuu Mursal kala hadlay Madaxda Jabuuti? [Sawiro]

Image
Image
Image
Image
Image

JABUUTI - Afhayeenka Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo sodcaal ku jooga wadanka Jabuuti ayaa wuxuu la kulmay mas'uuliyiinta ugu sareysa dalkaas.

Ugu horeyn, Gudoomiye Mursal wuxuu la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo ay kawada hadleen xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya.

Mursal ayaa uga mahad-celiyay Madaxweyne Geelle taageerada uu markasta la garab-taagan yihahay Soomaaliya, oo dalkiisa dhinac amniga ka caawinayo, iyadoo ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM, kuwaasi oo ka howlgalaya gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Geelle ayaa dhankiisa xusuusiyay Halgankii ay Shacabka Soomaaliyeed usoo galeen sidii Jabuuti uga xuroobi lahayd Isticmaarkii Faransiiska oo ay maanta u dabaal-dageen.

Dhanka kale, Mursal ayaa kulan kale la qaatey Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabduqaadir Kaamil Maxamed, oo ay si qoto dheer uga wada hadleen cilaaqaadka labada dal ee walaalaha ah iyo sidoo loo xoojin lahaa.

Gudoomiye Mursal ayaa maalmo ka hor u tegay wadanka Jabuuti ka qeybgalka munaasabada maalinta xorriyadda ee wadankaasi, taasoo maanta la xusay, isagoo uga wakiil ka ahaa madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sanadka walba maanta oo kale, ayey Jabuuti xustaa maalintii ay ka xorrowday gumeystihii Faransiiska, iyadoo meelaha laga xusay ay kamid tahay Gobolka Hiiran ee bartamaha Soomaaliya, halkaasoo ciidamada Jabuuti ee AMISOM ay ka howlgalayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM