Muxuu salka ku hayaa hakadka shirka Jowhar? [Dhagayso]

Image

JOWHAR: Waxaa weli hakad ku jira shirka maamul usamaynta labada gobol ee kala ah Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, waxaana jira khilaaf kadhex taagan waxgaradka labada maamul iyo dowladda Federalka.

Waxgaradka ayaa kacabanaya qaabka loo maamulayo shirka, iyagoo tilmaamay inaan loo samayn habraacii lagu dhisay maamullada kale ee dalka.

Muse Sheekh Cusmaan Shariirre, waxa uu kamid yahay duub dhaqameedka kasoo jeeda gobolka Shabeelaha dhexe, waxaana waraysi uu siiyay Radio Garowe ku beeniyay warar sheegaya in Jowhar kasocdaan shirar lagu soo afjaro khilaafka hareeyay madasha maamul u samaynta labada gobol.

Wuxuu tilmaamay in shirkaasi afduubatay dowladda Federalka Somalia gaar ahaan wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdiraxmaan Odowaa oo uu ku eedeeyay inuu dadka deegaanka ugu hanjabay inay khasab ugu soo dhisi doonaan maamul ka taliya labada gobol.

Arrintaas ayuu xusay inay ka xumaadeen waxgaradka labada gobol islamarkaana bilaabeen qorshe ay kaga tashanayaa waxyaabaha dowladda Somalia ka wado xarunta gobolka Shabeelaha dhexe.

Shariirre ayaa tilmaamay inaan markii horeba talo galyo laga siin habraaca shirka, islamarkaana hadda si khaldan loo maamulayo islamarkaan qaab aan cadaalad ahayn lagu soo xulay Ergooyinka matalaya beelaha labada gobolka kasoo jeeda.

Dowladda Somalia ayaa waqti kooban doonaysay inay ku dhisto maamul kataliyaha Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, balse waxa uu u muuqdaa mid ka weecday hamigii dowladda Federalka iyo rabitaankeedii ku aadanaa inay yagleesho maamul ku adeega rabitaankeeda.

Lama saadaalin karo xaalka shirkaasi iyo meesha uu ku dambaynayo, balse dowladda ayaa wada dadaalo ay ku qancinayso beelaha tabashooyinka muujiyay iyo guud ahaan waxgaradka labada gobol.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM