Muxuu salka ku hayaa socdaalka dheer ee uu galay Xasan Sheekh?

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, ka dib casuumaad rasmi oo uu ka helay Madaxweynaha Burundi mudane Évariste Ndayishimiye.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Burundi oo kulan gaar ah ku yeeshay Mataxtooyada Burundi ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Burundi iyo dowladiisa taageerada iyo nafhurnimada ay Soomaaliya u sameeyeen taas oo ah mid aan la ilaawi karin.

Dhinaca kale Madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye ayaa amaanay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka Khawaarijta, ku biirista Bulshada Bariga Afrika, Qaadista Cunaqabateynta iyo qodobo kale, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay garab siisay Burund xili adag.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in sababta Madaxweynaha uu u tagayo dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya ay tahay inuu dowladaha usoo mahadceliyo, maadaama in ka badan 15 sano ay ka caawiyeen dowladda Soomaaliya dhanka amniga iyo dagaalka AS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM