Muxuu yahay ujeedka socdaalka Axmed Madoobe ee Dhoobley?

Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Safar shaqo ku tagay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehelinaya Xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha oo maalmo kahor soo gaabiyay safar shaqo oo uu dhoobley ku joogay ayaa Magaalada Kismaayo waxaa uu ku daah furay Kal-Fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha waxaa inta uu ku sugan yahay dhoobley uu la kulmi doona Sarakiisha Ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool deegaankan.

Madaxtooyada Jubaland

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM