Nicholas Haysom oo soo gaarey Muqdisho [Sawirro]

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiilka cusub ee Qaramadda Midoobay usoo magacowday dalka Soomaaliya, Nicholas Haysom ayaa maanta oo Arbaco ah wuxuu kasoo degay madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde, ee Muqdisho.

Haysom ayaa waxaa garoonka diyaaradaha si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo midka Qaramadda Midoobay.

Madaxda ka socotay dowladda Soomaaliya ee kasoo qaybgashay waxaa kamid ah, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo xubno ka socdey Madaxtooyadda.

Haysom oo markii uu soo gaarey garoonka si kooban ula hadlay warbaahinta UN-ka wuxuu carabka ku dhuftey inuu ku farax-san yahay imaaniyashiisa magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

"Waxay ii tahay sharaf iyo karaamo inaan halkaan [Soomaaliya] imaado," ayaa kamid ahaa hadaladii uu u sheegay warbaahinta isla markiiba oo uu kasoo degay garoonka diyaaradaha.

Haysom ayaa bedalaya Micheal Keating kaasi oo ahaa Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ufadhiya Muqdisho tan iyo sanadkii 2015-kii xili mudada xileedkiisu ku ekaa 1-da bishaan October.

Shalay oo Talaado ahayd ayey xilka isugu kala wareejiyeen labaddaan mudane kadib munaasabad kooban oo ka dhacdey xarunta Qaramadda Midoobay ee magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Nicholas Haysom oo ah Diblumaasi sarre oo udhashay South Sudan kana soo shaqeeyay dalal ay ku jiraan Afghanistan iyo Suudaanta Koonfureed ayaa sidoo kale ah Qareen Dimuqraadiyadda udhuun duleela, isaga oo horey uga dhawaajiyey in DFS ay wajaheyso caqabado kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM