Nicholas Kay iyo wafdi uu horkacayo oo Kismaayo gaarey

Image
Image
Image
Image
Image

October 9, 2014 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Kay ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubaland.

Wafdiga oo markii ay garoonka diyaaradaha Kismaayo kasoo dageen wasiirro iyo mas'uuliyiin kale oo maamulka Jubbaland ka tirsani soo dhoweeyeen, waxaa loo gudbiyey xarunta madaxtooyada halkaasoo ay hadda kulan kula qaadanayaan Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, madaxweyne ku xigeenada Fartaag iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

Xog dheeraad ah lagama hayo waxa uu salka ku hayo safarka ay Kismaayo ku yimaadeen wafdiga uu hoggaaminayo Nicholas Kay, waxayse u badan tahay in labada dhinac ka wada hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya iyo weliba sidii gargaar loo gaarsiin lahaa deegaanada Maamulka Jubba ee dhowaan laga xoreeyey Al-shabab.

Booqashada Nicholas Kay ee Kismaayo waxay kusoo aadaysaa xilli Jubbooyinka uu ka socdo hawlgal ballaaran oo ka dhan Al-Shabab kaasoo ay wadaan ciidamada Maamulka Jubaland iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah hawlgalka AMISOM.

Faahfaahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM