Nicholas Kay oo cambaareeyey qaraxii xalay Muqdisho ka dhacay

Image

October 16, 2014 – Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa cambaareeyey qaraxii dadka badani ku dhinteen ee xalay ka dhacay banaanka hore ee maqaayad caan ah oo ku taal magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Danjire Kay ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ahaa mid fulaymino oo ay argagixisadu fulisey xadgudubna ku ah mabaadi'da asaasiga ah ee nolosha bini aadamka.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkii fulaynimada iyo argagaxisnimada lahaa ee xalay. Waxaan ka naxay sida aan gabi ahaanba loogu turin nafta dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah, oo ay ku jiraan caruur iyo dad jidka marayay. Dambiyada noocaan oo kale ah waxay xadgudub ku yihiin mabaadiida as-aasiga ah ee bini-aadanimada. Waa in si degdeg ah cadaalada lagu horkeeno kuwii ka dambeeyay falkaas.”  Nicholas Kay ayaa yiri.

Weerarkaas oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey waxaa ku dhintay shan qof waxaana ku dhaawacmay 15 qof oo kale. Dhammaan dadka qaraxaas waxyeeladu kasoo gaartay waxay ahaayeen dad rayid ah.

Qarax kale oo isla shalay Muqdisho ka dhacay waxaa lagu diley sarkaal ka tirsanaa Hay'adda Nabad-sugidda Qaranka iyo afar qof oo rayid ah, dhammaan mas'uuliyadda qaraxyadaasna waxaa sheegtay Ururka Al-shabab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Safarka madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayaan khilaafaadka siyaasadeed…

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 05:40PM

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM