Nin Muqdisho ku dilay 4 qof oo ka mid ah Qoyskiisa, isna is-dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dil fool xun, oo naxdin leh, islamarkaana ku cusub shacabka Soomaaliyeed ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Nin ku hubaysan qoriga AK-47 ayaa afar qof oo kamid ah qoyskiisa, oo ay kamid tahay Xaafiisa ku dilay Xaafadda ku taalla Warshadii hore ee Sifetnta Batroolka ee degmada Wadajir.

Gacan ku dhiiglaha oo magaciisa lagu sheegay Cabdiqaadir Maxamuud Caddaan ayaa toogasho ku dilay hal mar Xaaskiisa, Walaashiisa iyo labo kale oo ilmo adeer yihiin, isagoo kadibna is-dilay.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in Cabdiqaadir uu shalay soo iibsaday qoriga, kadibna uu maanta oo Sabti ah ku fuliyay dilka naxdinta leh.

Dadka la laayay ayaa lagu kala magacaabi jiray;

1 - Xaliimo Xuseen Cali Kowshe - Xaaskiisa

2 - Xaawo Maxamuud Caddaan - Walaashiisa

3 - Maxamed Tuur-yare - Ilmo adeer

4 - Cabdullaahi Maxamed Yalaxow - Ilmo Adeer

Ciidamada dowladda, ayaa wax yar kadib gaarey halka uu dil-wadareedka ka dhacay, iyadoo aan jirin wax fahfaahin ah oo Saraakiisha amniga ay ka bixiyeen dhacdadan iyo sababta keentay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM