NISA oo guulo ka sheegatay howlgal ay ka fulisay Shabeellaha Dhexe

Image
Howlgalka oo qaatay in ka badan 12 saacadood ayaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka sheegatay howlgal ay ka fulisay gobolka Shabeellaha Dhexe.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo gaaraya 27 xubnood ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ay ka sameeyeen deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa lagu afjaray maleeshiyaad Khawaarij ah oo cadowgu kasoo aruuriyay deegaanno kala duwan isla markaana loo diyaarinayay in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalka oo qaatay in ka badan 12 saacadood ayaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo dhagar qabayaasha Khawaarijta ay wateen, waxa uuna ku soo dhammaaday guul.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM