NISA oo hakisay qandaraas uu saxiixay Wasiirkii hore ee Amniga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'add Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya [NISA]ayaa ku dhawaaqday inay hakisay qandaraas uu saxiixay Wasiirkii hore ee Amniga Cabdirisaaqa Cumar Maxamed, oo haddana ah Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka.

War lasoo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in taliska Hay’adda uu hakad geliyay qandaraas socday sanadihii lasoo dhaafay oo ku kacayay malaayiin doolar oo uu Cabdirisaaq la galay shirkad ganacsi oo ka howlgasha Muqdisho.

Heshiiskan oo sida uu Warsidaha Garowe Online fahamsan yahay, ayaa la saxiixay 2015, iyadoo Shirkadda u qabaneysay adeegyo dhanka Loojistikadda, taasoo aan magaceeda iyo cid iska leh aysan shaacin Hay'adda NISA.

Qoraalka NISA kasoo baxay shalay, 30-dii November ayaa lagu iclaamiyay in kiiskan oo malaayiin dollar ku baxaya loo gudbiyay Hanti-Dhowrka Guud ee qaranka, si baariitaan loogu sameeyo inuu jiro musuq-maasuq.

Dhanka kale, Wasiirkii hore ee amniga, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa si kulul uga jawaabey eedeynta NISA, isagoo ku tilmaamay warka hay'addan dacaayad raqiis ah, waxaana uu weerar afka ah ku qaadey hogaanka hay'addan sirdoonka.

Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa sheegay in shaqsiyaad aas-aaska Amniyaatka Al-Shabaab kasoo qeyb qaatey, oo dhaqaale ku bixiyay ay maanta ku jiraan NISA, iyagoo lagu aaminay inay la dagaalamaan argagaxisadda.

Cabdirisaq ayaa xusay in Hay'addan Sirdoonka Soomaaliya ay si xoog leh usoo galeen xubno ka yimid Al-Shabaab, kuwaasoo hadda labada dhinac la shaqeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM