NISA oo joojisay Kulan uu CC Shakuur ku qaban lahaa Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee [NISA], ayaa caawa is-hortaag ku sameysay Kulan uu caawa Muqdisho ku qaban lahaa Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishkuur.

Kulanka oo uu uga hadli lahaa CC Shakuur loolanka Siyaasadeed, islamarkaana la qorsheeyay inuu ka dhaco Hotel Saxafi ee Muqdisho ayaa la baajiyay kadib markii Hogaanka NISA ay amar ku siiyeen maamulka Hotel-ka in aan doodaasi la qaban karin.

"Taliyaha Sirdoonka iyo Nabadsugida ayaa caawa baajiyey Muxaadaro aan uga hadli lahaa loolanka Siyaasadeed ee Gobolka ka jira iyo saamaynta uu Soomaaliya ku yeelan karo. Maamulka Hotel Saxafi oo ah halka ay Muxaadaradu ka dhici lahayd ayaa nagu wargeliyey in NISA ay ku amartay in la baajiyo kulankaas," ayuu ku yiri CC Shakuur qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Siyaasiga ayaa intaasi ku daray in Maamulka Hoteelka aan loo sheegin wax sabab ah, laakiin lagu amray in ay joojiyo kulankaasi, isagoo ku tilmaamay tallaabadan ay qaaday NISA inay tahay mid si cad u jebinaysa Dastuurka iyo shuruucda dalka.

"Waxaa ayaan daro ah in iyadoo amarka Al-Shabaab uu Muqdisho ka hir-gelayo ay NISA ku mashquulsan tahay caburinta ra’yiga iyo ku tumashada xuquuqda muwaadinka," ayuu hadalkiisa raaciyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Dowladda ayaa xirtay Siyaasigan bishii December, 2017 kadib markii ay ku eedaysay inuu waday abaabul lagu ridayo Farmaajo iyo inuu dhaqaalo kasoo qaatay dalal shisheeye, waxaana wali dacwad ka taalla Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir.

CC Shakuur oo si aad ah u dhaliila Siyaasadda hogaanka Dowladda Federaaalka, ayaa kamid ahaa Musharaxiintii Farmaajo kula tartamay Xilka Madaxweynaha Febuary 8, 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM