NISA oo qabatay "xubin sarre" oo ka tirsanaa warbaahinta AlShabaab

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxay shaacisay in ay magaaladda caasimada ah ku qabatay xubin sarre oo ka tirsan warbaahinta AlShabaab.

"NISA ayaa Deg. Howlwadaag ee magaalada Mugdisho kasoo qabatay xubin sare oo kamid ah Warbaahinta AS, una qaabilsanaa baahinta ficilladooda gurracan," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay NISA.

Bayaanka kooban oo lasoo dhigay barta gaarka ah oo hay'addu ku leedahay Twitter-ka ayaa waxaa nan lagu soo bandhigay magaca iyo qaabka loosoo xiray shaqsigan.

Isniintii, 27-ka August, NISA oo sheegtay in ay soo xirtay ruux ka qeyb-qaatay qarax lagu dilay mas'uul dowladeed oo Muqdisho ka dhacay ayaa soo raacisay muuqaal hoygiisa laga soo duubay.

Alle ha u naxariistee, marxuum Maxamed Aamiin, ayaa wuxuu ahaa Agaasime ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir mudadii uu xafiiska joogay gudoomiye Muun-gaab.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo ku saabsan sheegashada sirdoonka Soomaaliya oo kasoo baxay dhanka maleyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Al-Shabaab, oo Muqdisho laga saarey 2011-kii, ayaa leh qeyb saxaafadda u qaabilsan, taasi oo faafisa xogaha ururka, muuqaalo ay ka diyaariyaan dilalka ay geystaan iyo dukmiintiyo kale.

Xubnaha ka shaqeeya waaxdan ayaa la rumeysan yahay in ay joogan meelo kala duwan, iyadda oo ay noqoneyso markii ugu horeysay, inta la og-yahay, in ruux ka tirsan qeybtan uu u gacan-galo dowlada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeymo Argagixiso oo Maraykanku u Jeediyay

Tani waa arrin gooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 01:23PM

Xasan Sheekh: Aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland waa mid kamid ah maalmaha ugu madow taariikhda Soomaaliya

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay weli taageersan tahay xalka laba dowladood ee arrinta Falastiin.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 09:07AM