NISA oo war kasoo saarey qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Soomaaliya [NISA] ayaa shaacisay inay qabatey nin ay ku sheegtay inuu isku soo dabariday qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu xaqiijiyay in hogaamiyihii howlgalka qaraxyadii Al-Shabaab ee maanta ka kala dhacay Tiyaatarka Qaranka iyo Daljirka Dahsoon kuwaasoo galaaftay nolasha ugu yaraan 15 qof.

NISA ma aysan soo bandhigin macluumaad intaasi ka badan oo ay ku caddeynayso warka, sida magaca iyo sawirka shaqsiga ay sheegtay inay gacanta ku dhigtay.

Inta la xaqiijiyay 15 ruux, oo saddex kamid ah yihiin Ilaalada Villa Soomaaliya, afar kamid ilaalada Ku xigeenka Duqa Muqdisho oo ku dhaawacmay, iyo dad shacab ayaa ku dhintay qaraxyadii maanta.

Saddex kamid ah wariyeyaasha Tv-ga Universal oo ku jiro Cawil Daahir Saalad oo ah suxufi si wayn looga yaqaan Soomaaliya ayaa kamid ah dadkii caanka ahaa ee ku geeriyooday qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho.

Maxamed Cabdullaahi Tuulax, gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir, ahna ku xigeenka Duqa Muqdisho iyo Warsame Joodax, oo ah Xildhibaan Gollaha Shacabka ah ayaa kamid ah dadka dhaawacmay weerarka.

Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in dhaawac uu ka badan 20 qof, islamarkaana qaarkood ay liidato xaaladooda caafimaad, loona baahnaan karo inay helaan kaalmo caafimaad oo dibadda ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhabarka saaratay mas’uuliyadda qaraxyaddaan, iyadoo sheegtay inay ku dishay Saraakiil ciidan iyo askar kamid ahayd ilaaladda Madaxtooyadda.

Tan iyo markii kooxda ay lumisay gacan ku haynta magaalada Muqdisho sanadkii 2010-kii, kooxda waxay weeraro noocaan ah ay ka fulineyso caasimadda oo ku dhowaad muddo bil ah xasilooni amni ku jirtay.

Qaraxyadan ayaa kusoo aadaya xili amniga caasimadda Soomaaliya si rasmi ah loogu wareejiyo dhowaan Booliska oo u dabaaldegay Khamiistii 75-sano guradii kasoo wareegatay aas-aaskooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM