​Obama oo raali galin ka bixin doonin weerarkii Hiroshima

Image

Madaxweynaha dalka Maraykanka, ayaa dabayaaqada bishan booqasho taariikhi ah ku tagi doona magalada Hiroshima ee dalka Japan.

Arrintan aadka loo hadal hayay ayaa ah, in madaxweyne Obama raali galin ka bixin doono weerarkii magalada Hiroshima lagu qaaday sannadkii August 1945, kaasi oo ahaa bambo-atoomigga.

Waa markii ugu horraysay ee madaxweyne Ameerikaan ah oo xil haya uu booqdo Hiroshima, tan iyo markii la burburiyey, August 1945, taasoo keentay inay dhintaan ilaa 140,000 oo qof.

Waxay ahayd markii ugu horraysay oo dagaal loo adeegsado hub Nukliyeer ah, ayadoo seddex maalmood ka dibna lagu dhuftay Nagasaki.

Weerarradaasi ayaa loo arkaa in lagu khasbayey xukuumaddii Japan ee xilligii dagaalka inay is dhiibto.

War kasoo baxay aqalka cad ee Maraykanka, ayaa lagu sheegay inuusan Obama ka hadli doonin islamarkaana raali galin ka bixin doonin weerarkii lagu qaaday dalka Japan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM