Oday dhaqameed lagu dilay Kismaayo xili loo diyaar-garoobayo doorasho

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Mas'uuliyiinta amniga ayaa sheegay in Oday-dhaqameed kamid ahaa kuwa ugu caansan degaanadda Jubbaland, fiidnimadii Arbacadda ay dabley ku toogatay nawaaxiga Masjid uu Salaada Maqrib kusoo oogay.

Suldaan Cabdirashiid Suldaan Muuse Shire oo dhaawac ahaan looga qaaday goobta ayaa goor dambe wuxuu ku geeriyooday Isbitaalka guud ee xarunta gobolka Jubadda Hoose, sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka.

Goobjoogeyaal kala duwan sababo amni uga gaabsaday magacyadooda ayaa waxay u sheegeen warsidaha Garowe Online in kooxo ku hubeysan bastoolad ay qeybaha sare ee jirka ay rasaaas kaga beegsadeen Marxuum Shire.

"Shaqsi kale oo kusoo baxay dilka ayey isana toogteen kaasi oo isla goobta ku naf-baxay," ayuu yiri mid kamid goobjoogeyaasha oo khadka telefoonka kula hadlay mareega GO, isaga xusaya in gacan ku dhiigleyaasha ay baxsadeen.

Ciidamada amniga oo meesha ay wax ka dhaceen durba soo gaarey ayaa sameeyay howlgalo aanan la ogayn hadii ay jiraan cid lagu soo qabqabtay oo lala xiriirinayo dhacdadan.

Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay mas’uuliyadda falkan ay si adag u cambaareeyeen mas’uuliyiinta Jubbaland.

Dilkan loo geystay Oday-dhaqameedka ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo Kismaayo looga diyaar-garoobaya doorashada madaxtinimada iyo tan gudoonka baarlamaanka.

Coddeynta oo aad isha loogu hayo ayaa loo balansan yahay 24-ka bisha August ee sanadkan 2019, iyadda ay bilaabatay soo xulista xubnaha kamid noqonaya baarlamaanka labaad ee Jubbaland.

Horaantii bishan ayey ahayd markii qarax gaari iyo weerar toos ah oo ay AlShabaab ku ekeeyay huteelka Cascasey oo ay ku shir-sanaayeen odayaasha dhaqanka lagu khaarijiyey ku dhowaad 30 ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM