Odayaal ay Al-Shabaab u yeertay oo digniin culus hawada loo mariyey
DHUUSAMAREEB, Galmudug – Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa isku dayeysa in ay wiiqdo qorshaha Galmudug hubka uga xareynayo maleeyshiyaad beleedyadda, sidda uu sheegay wasiirka amniga dowlad goboleedkaas.
Axmed Macalin Fiqi ayaa qorshahaas ka dhawaajiyey todobaadkii hore, isagoo tilmaamay in maleeyshiyaadka loo furi doono tababar isla markaana lagu aas-aasi doono ciidamo gaar ah oo Galmudug yeelaneyso.
Kooxaha argagixisadda ah ayuu ka dhawaajiyey "in la hubiyey in ay ahaayeen kuwii ka dambeeyay" hurinta colaadyadda beeleedyadda ka dhaca gobolka Mudug gaar ahaan nawaaxiga Gaalkacyo.
Qaar kamid ah bulshooyinkii dirirtu dhexmartay ayuu xusay in ay haatan u socoto waan-waan xal waara looga gaarayo dagaaladda.
"Waa guul weyn, halkaas argagixisada waa looga guuleystay in ay maleeyshiyaad dambe iska horkeenan," ayuu raaciyey hadalkiisa.
Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in ay ka shaqeynayaan siddii loosoo afjari lahaa in odayaasha degaanka ay tagaan meelaha ay maamusho Al-Shabaab "soona laabtaan iyagoo fulinaya amarada kooxda".
"Waxaan maqalnay qabaa'il qaar hadda looga wacay hubkii Galmudug markii la maqlay waa la xareynayaa si aan hubka loo xareyn meelaha qaarkood; halkaan fariin baan uga dirayaa; haddey tagaan waxba masoo laabanayaa, kama duwana argagixisada; odayaal aan ognahay in ay kasoo waceen degaanadda qaarkood oo ay leeyihiin hubka yaan la xareyn, maleeyshiyaadka yaan la xareyn oo ay caddeyn u tahay in maleeyshiyaadka qaarkood ay iyaga adeegsan jireen, odayaashaas digniintaas ayaan u direynaa yeysan noosoo noqon; Al-Shabaab haka mid noqdaan, haku biiraan, dagaalka hasoo galaan, laakiin suurtagal maahan oday instruction-kii iyo tilmaamihii Al-Shabaab ku shaqeynaya in uu ka dhex-joogo halkaan intuu xorriyad kusoo laabto in uu hadana noo yimaado," ayuu u sheegay warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Gaalkacyo.
Dhanka kale, Mr Fiqi ayaa daboolka ka qaadey in howlgal wadajir ah oo saacadihii lasoo dhaafay ay gobolka ka fuliyeen ciidamadda amniga Galmudug, Puntland iyo kuwa xooga dalka lagu soo qabtay la tuhunsaneyaal.
Shaqsiyaadkaas oo lala xiriirinayo Al-Shabaab ayuu caddeeyay in ay baaritaano ku socdaan isla markaana qofkii lagu waaya xorriyadiisa la siinayo.
Puntland iyo Galmudug oo kawada arimiya Mudug ayaa wacad ku maray in ay kawada shaqeyn doonan siddii loo xasilin lahaa gobolka isla markaana loosoo afjari lahaa joogitaanka xoogaga fuliya falal liddiga ku ah nabad-gelyada.
GAROWE ONLINE