Odayaal dhaqameedyo heshiis la galay Al-Shabaab oo la maxkamadeynayo

Image

BELEDWAYNE, Hiiraan – Ciidamada ammaanka Beledwayne ayaa xabsi u taxaabay tobban kamid ah Odayaashii Dhaqanka degaanada HirShabelle ee u hogaan-samay amarkii kasoo baxay Al-Shabaab.

Sidda uu fahansan yahay Garowe Online, ergooyinkan ayaa maleyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida kula soo heshiiyay in aysan dib ugu laaban doonin arrimaha siyaasadda dalka.

Warbixin kasoo baxday ururkan argagixisadda ah ayaa lagu sheegay in odayaasha "fuliyay" awaamiirtooda ay wadar ahaan gaarayan 159, isla markaana tirada HirShabelle ka timid ay tahay 53.

Tani ayaa ka dhigan in uu noqonayo maamulka ugu badan ee goboladiisa ay ka baxeen odayaasha, taasi oo sabab u ah "isku hayn amni la'aan iyo laamaha nabad-gelyadda dowlad goboleedkan oo daciif ah".

Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya ee xarunta gobolka Hiiraan oo amarka xariga shaqsiyaadkaasi bixisay ayaa shaaca ka qaadey in maalmaha soo aadan maxkamad lasoo taagayo xubnahaas.

Ku xigeenka xeer-illaaliyaha Maxkamada Ciidamada magaaladaas ay maraan webiyadda Jubba iyo Shabelle ayaa tibaaxay in lasoo qaban doono tiradda kale ee wali baxsadka ah, sidda uu hadalka u dhigay.

"Ergadii reer HirShabelle ahaa baxay oo lasoo macaamilay AlShabaab, waxaan marsiinaa waxa uu sharciga ka qabo cid kasta oo argagixiso wada hadal la gasho," ayuu yiri Kabtan Maxamed Cabduqaadir Maxamed.

Odayaashan oo markii ay Shabaabka u tageen dharka laga bedelay, duruusna loo bilaabay ayaa ah kuwii soo doortay Xildhibaanadda baarlamaanka federaalka ee haatan shaqeeya.

Xogaha laga helayo sirdoonka Soomaaliya ayaa waxay intaasi raacinayan in heshiiska uu qayb-yahay in ay odayaasha bixiyaan lacagta ay ku fadhiyaan hal qori iyo rasaastiisa.

Inkasta oo aysan ahayn wax dhif iyo naadir ah in amarada Al-Shabaab ay ka shaqeeyaan degaanada dowladda, haddana sanadihii u dambeeyay waxaa la karaar-siiyay dedaalada lagu joojinayo arrintaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM