Odayaal lagu afduubey Gedo iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

GARBAHAAREY - Tiro Odayaal ah oo ay wehliyaan dhalinyaro ayaa lagu soo waramayaa Al-Shabaab ay ka afduubtey tuulooyin hoos-yimaadda degaanka Fax-faxdhuun ee gobolka Gedo sacaadihii u dambeeyay.

Ma cadda sababta ka dambeysa afduubka odayaasha, iyadoo illo wareedyo dhinaca dadka degaanka ay tilmaameen in Al-Shabaab uga shakisay inay la shaqeeyaan sirdoonka dowlada Soomaaliya.

Lama ogga goobta ay geeyay dadkan, balse ehelkooda qaar oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho ay muujiyeen walaac iyo baqdin ay ka qabaan inay usoo laaban waayaan iyagga oo bad-qaba.

Mas'uuliyiinta dhinaca amaanka ee gobolka Gedo ayaa daboolka ka qaaday inay ku dabajiraan meesha ay Al-Shabaab geeyeen dadka ay wateen, xili ay dadka degaanka ugu baaqeen inay muujiyeen feejignaan dheeri ah iyo inay la shaqeeyaan maamulka.

"Odayaal dhowr ah, oo qaarkood da' ah, iyo dhalinyaro ayy Al-Shabaab ka afduubtey degaano hoos-yimaada Fax-faxduun. Ma garan karno halkay u wateen, laakiin waan ku daba jirnaa," ayuu yiri mas'uul ka tirsan maamulka gobolka.

Dhacdadani oo horey looga soo wariyey goboladda kale ee dalka ayaa imaaneysa xili dhowaanahaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Jubbaland ay ka dhacayeen duqaymo ay fulinayaan diyaaradaha dagaalka Kenya iyo kuwa Mareykanka.

Horaantii Bishaan, Al-Shabaab ayaa 70 Oday ay ka afduubatey degaanka Galqoryaale ee gobolka Galgaduud, kuwaasi oo aanan wali la xiqiijin karin inay wali ku jiraan gacanta kooxdaan, inkasta oo lasoo wariyay inay qaarkood soo baxsadeen.

Deegaanada iyo degmooyinka ay maamusho Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhaca inta badan, dilal toogasho ah, oo dad lagu soo eedeeyay basaasnimo lagu fuliyo, gacan goyn iyo afduubka dadka kahor yimaada amarada Kooxdan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Dowladda oo Guul ka sheegatay dagaalkii Wargaadhi

Al-Shabaab ayaa isku dayay in halkaasi ay dib isugu abaabulaan, balse ciidanku waxay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 09:47AM

Xog cusub oo kasoo korartay weerarkii Wargaadhi, Shabeellaha Dhexe

Deegaanka Wargaadhi ayaa ah marin istiraatiiji ah oo muhiim u ah isku xirka gobollada xeebaha iyo gudaha ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 09:31AM