Odowaa oo mar kale loo magacaabay Taliyaha Milatariga Soomaaliya

Image
Raage ayaa la rumeysan yahay inuu yahay sarkaalkii ugu da'da yaraa ee qabta jagadaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa meelmariyay in General Odowaa Yusuf Raagge mar kale loo magacaabo Taliyaha Milatariga Soomaaliya isaga oo badalaya Muxiyadiin Sheekh Ibraahim.

Magacaabidan waxay imaanaysaa xilli dalka ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo salka ku haysa arrimaha doorashooyinka.

Muddo toddoba bilood ah ayuu Raage ahaa taliyaha ciidamada dhulka. Waxa uu taariikh u leeyahay in uu dagaal adag kula jiro Al-Shabaab magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Agoosto 22, 2019 ayaa Raage markii koowaad loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidanka.

Raage ayaa la rumeysan yahay inuu yahay sarkaalkii ugu da'da yaraa ee qabta jagadaas. Sidoo kale waa sarkaalkii ugu horeeyay ee hogaaminaya ciidanka xoogga dalka, waxaana uu helay dhammaan darajooyinkiisa, sababo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Raage waxa uu ciidanka ku biiray sannadkii 2005-tii, markaas oo ay Al-Shabaab ku dhex milmeen koox loo yaqaanno Midowgii Maxkamadaha Islaamka ee Soomaaliya. Xiligaas dowladii kumeel gaarka ahayd ee markaas jirtay waxay xarun u ahayd Baydhabo sababtoo ah Muqdisho waxaa ka talinayey ciidamo iska soo horjeeda. Waxay ahayd inuu halkaas u safro si uu ciidanka ugu biiro.

Bishii Luulyo 2007, waxa uu ka mid ahaa 180 sarkaal oo Soomaali ah oo loo diray Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Kaweweta ee Uganda si ay u qaataan koorso bilow ah oo lagu baranayo saraakiisha ciidamada. Sannadkii xigay, waxa uu ka mid ahaa 12 sarkaal oo dib loogu celiyay Uganda si ay u soo qaataan tabobar takhasus ah oo ku saabsan hoggaaminta ciidamada dhulka ee Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Bihanga.

Bishii December ee sanadkii 2009 ayuu dib ugu soo laabtay Soomaaliya, waxaana loo bedelay ciidamada ilaalada madaxtooyada, xilli Al-Shabaab ay boqolaal mitir u jirtay madaxtooyada. Isla bishaas, waxa laga dhigay gaashaanle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM