ONLF oo jawaab ka bixisay hadalkii Safiirka Ethiopia [Dhageyso]

Image

NAIROBI - Afhayeenka ONLF, Cabdiqaadir Xasan [Hirmooge], oo wareysi siiyay VOA-da, gaara ahaan Laanteeda Af-Soomaaliga ayaa wuxuu gaashaanka ku dhuftay hadal kasoo yeeray Safiirka Itoobiya ufadhiya Soomaaliya, Jamaaludiin Mustafa Cumar.

Danjire Jamaaludiin Mustafa ayaa wuxuu tilmaamay in sii daynta Cabdi Kariin Muuse [Qalbi Dhagax] ay ka dambeysay dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay ku timid codsi ka yimid xukuumada Muqdisho.

Laakiin, Cadaani Hirmooge ayaa wuxuu ku tilmaamay hadalka Safiirka mid aan waxba ka jirin, isagoo hadalkiisa ku daray in dowladda ayba dooneysay in Xabsiga lagu sii hayo Qalbi Dhagax.

"Dowladda Soomaaliya wax lug ah kuma lahayn sii daynta Qalbi Dhagax, waxayba dooneysa Cagsigeeda, taasoo ah in lagu sii hayo Xabsiga, illaa iyo ay u ekaato inay iyadda soo daysay," ayuu yiri Hirmooge.

Hirmooge oo la weydiiyay in hadii dowladda Soomaaliya aysan ku lug-lahayn sii daynta Qalbi Dhagax, cidda ku lug-lahayd, wuxuuna sheegay inay ka qayb qaateen siyaasiyiin, diblumaasiyiin iyo Odayaal dhaqameed.

"Dad badan ayaa ka qeyb qaatay oo gudaha Itoobiya iyo caalamka jooga, marka ma rabo inaan magacaabo, waxaase aan ka xusi karaan siyaasiiyiinta Soomaalida ah Axmed Madoobe," ayuu raaciyay.

Afhayeenka Jabhadda ONLF ayaa wuxuu si gaar ah farta uu ugu fiiqay in xubno uu kamid ah yahay Ra'iisul Wasaaraha Somaaliya, Xasan Cali Khayre ay isku dayeen inay ku qasbaan Qalbi Dhagax inuu afkiisa ka sheego, in dowladda Soomaaliya ay soo daysay.

"Amarka lagu daayey wuxuu kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Itobioya, ma jirin meel ay dowladda Soomaaliya ugu jirta, laakiin xubno uu ku jiro Xasan Cali Khayre, waxay ku cadaadinayeen isaga [Qalbi Dhagax] inay ka hadal siiyaan oo uu sheego inay iyadda soo daysay," ayuu ku daray.

Ugu dambeyn, Afhayeenka Jabhadda ONLF, Cabdiqaadir Xasan Cadaani [Hirmooge] ayaa wuxuu si cad u qeexay in Ururkooda uu ku taagnaan doono mowqifkooda oo ahaa inay xorriyaan wax uu ku tilmaamay dulka laga haysto Soomaali-Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM